Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta afar sano ka soo wareegtay markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Xamza Cabdi Barre.
15-kii June 2022 ayay ahayd markii Madaxweyne Xasan Sheekh si rasmi ah ugu dhawaaqay magacaabista Xamza Cabdi Barre, kaas oo noqday Ra’iisul Wasaaraha 21-aad ee Soomaaliya soo mara tan iyo markii la dhisay dowladdii ku-meel-gaarka ahayd.
Xamza ayaa xilkaas la wareegay isaga oo helay taageerada Madaxweynaha, waxaana si degdeg ah loo dhisay xukuumaddii loo bixiyay Dan-Qaran. Mudadii afarta sano ahayd ee uu xilka hayay, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa kaalin muuqata ka qaatay hirgelinta siyaasadaha dowladda, gaar ahaan dhinacyada amniga, dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo taageeridda howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda qaybo badan oo dalka ka mid ah.
Sidoo kale, xukuumaddiisa ayaa door muhiim ah ku lahayd geeddi-socodkii deyn-cafinta Soomaaliya, dadaalladii lagu qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneyd dalka, dib-u-eegista dastuurka ku-meel-gaarka ah, iyo qorshayaasha la xiriira horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan sahminta iyo qodista shidaalka.
Falanqeeyayaal badan ayaa tilmaama in mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee dowladda hadda jirta ay tahay wada-shaqeynta dhow ee u dhexeysa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, taas oo si weyn uga duwaneyd waqtiyadii hore ee ay jireen khilaafaadka joogtada ah ee madaxda sare ee dowladda.
Isku-xirnaanta Madaxtooyada iyo Xukuumadda ayaa horseedday xasillooni siyaasadeed oo ka badan tii lagu yaqaanay dowladihii hore, iyadoo la yareeyay isqabqabsigii sababi jiray in xukuumado cusub la soo magacaabo muddooyin kooban gudaheed.
Afarta sano ee uu xilka hayay Xamza Cabdi Barre ayaa sidaas ku noqotay mid ka mid ah muddooyinkii ugu xasilloonaa ee xiriirka Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare ee Soomaaliya casriga ah.

