26 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Cabdiraxmaan Cirro iyo Netanyahu oo maanta kala saxiixday heshiis ku saabsan…

Bookmark
Bookmarked

Share

Tel Aviv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku guda jira booqashadiisii Israa’iil ayaa maanta kulan taariikhi ah oo heer sare ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Kulanka ayey Madaxtooyada Somaliland ku tilmaamtay mid astaan u noqday bilowga wejigii ugu muhiimsanaa ee xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.

“Madaxweynaha ayaa Netanyahu uga mahadnaqay go’aanka geesinimada leh, taariikhiga ah, lahaana miisaanka siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee ay dowladda Israa’iil si rasmi ah ugu aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland dal madax-bannaan 26.12.2025. Arrintan oo noqotay dhacdo taariikhi ah oo bog cusub u furtay halgankii muddada dheeraa ee ay ummadda Jamhuuriyadda Somaliland ugu jireen xaqiijinta aqoonsi caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Cirro ayaa sheegay in go’aankaas aanu ahayn oo keliya aqoonsi diblomaasiyadeed, balse uu yahay xaqiijin rasmi ah oo dunida u muujinaysa xaqiiqada siyaasadeed, sharciyeed iyo taariikheed ee Somaliland, taas oo uu sheegay in muddo soddon iyo shan sano ah dunida horteeda ku soo bandhigaysay tusaale guulaystay oo ku dhisan nabad, dimuqraadiyad, dawladnimo, xasillooni iyo kala dambayn.

Dhinaca kale, Somaliland iyo Israa’iil ayaa isla maanta si rasmi ah u kala saxeexday baaqa istaraatiijiyadeed ee iskaashiga labada dal. Heshiiskan ayaa dhigaya aas-aaska xiriir istaraatiiji ah oo waara, isla markaana xoojinaya iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga, tiknoolajiyadda, maalgashiga iyo horumarinta bulshada.

CBaaqani waxa uu astaan u yahay bilowga marxalad cusub oo xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil ah, isaga oo dejinaya hannaan rasmi ah oo lagu horumarinayo iskaashi qoto dheer oo ku dhisan is-ixtiraam, kalsooni, dan-wadaag iyo himilooyin wadajir ah,” ayaa lagu yiri bayaan kaso baxay Madaxtooyada Somaliland.

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Somaliland ayaa Ra’iisul Wasaarahaa Israa’iil guddoonsiiyey Billad Sharaf Qaran oo uu sheegay inuu ku mutaystay aqoonsigaay dowladdiisa siisay Somaliland.

 

- Advertisement -

Read more

Local News