25.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 16, 2026

Soomaaliya iyo Masar oo fulinaya heshiisyadii ay hore u saxiixeen

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay ayaa kulan gaar ah la qaatay wafdi sare oo ka socday dowladda Masar, kaas oo uu hoggaaminayay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Arrimaha Afrika, Maxamed Kariim Fu’aad Shariif.

Kulankan ayaa ka dhacay Muqdisho, iyadoo labada dhinac ay ka wada-hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca iyo waxbarashada.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Masar ayaa sidoo kale is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan arrimaha gobolka iyo fursadaha lagu ballaarin karo iskaashiga labada dal, si loo xoojiyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay dardar-gelinta fulinta heshiisyadii hore loo saxiixay ee la xiriiray amniga, difaaca iyo waxbarashada, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

Wasiir Cabdisalaam Dhaay ayaa dowladda Masar uga mahadceliyay taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta hay’adaha dowladda, tababarrada iyo kor u qaadista awoodda shaqaalaha.

Ugu dambeyn, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa xaqiijiyay sida ay dalkiisu uga go’an tahay sii wadidda taageerada Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal ka dhexeeya.

Soomaaliya iyo Masar ayaa leh iskaashi ballaaran, iyagoo hore u gaaray heshiis dhanka amniga ah, waxaana labada dal ay iskaashigooda sii xoojiyeen kadib heshiiskii muranka dhaliyay ee Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo Addis Ababa ay ku dooneysay inay ku hesho marin ay ku gaarto badda Soomaaliya.

Qaahira ayaa sidoo kale haatan door weyn ka qaadaneysa tayeynta ciidamada Soomaaliya, iyadoo siinaysa hub iyo qalab ciidan.

- Advertisement -

Read more

Local News