25.3 C
Mogadishu
Tuesday, June 16, 2026

Xog cusub oo shaacisay sida Iran ugu qasabtay Imaaraadka Carabta in ay is-dhiibaan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dubai (Caasimada Online) — Xog cusub oo laga helay is-afgarad amni oo la sheegay inuu si qarsoodi ah u dhex-maray Imaaraadka Carabta iyo Iran ayaa dhalisay dood xooggan oo ku saabsan siyaasadda Abu Dhabi ee gobolka, xilli Bariga Dhexe uu ku jiray mid ka mid ah marxaladihii ugu halista badnaa ee xiisad militari sanadihii dambe.

Sida ay sheegtay warbaahinta Dark Box, mas’uuliyiin sare oo ka kala tirsan Imaaraadka iyo Iran ayaa yeeshay xiriiro amni oo heer sare ah, kuwaas oo ujeeddadoodu ahayd in Abu Dhabi ay hesho hannaan gaar ah oo lagu dejinayo xiisadda, xilli laga cabsi qabay in dagaalka u dhexeeya Iran, Israel iyo Mareykanka uu isku beddelo isku dhac ballaaran oo gobolka oo dhan saameeya.

Xogtan ayaa muhiim u noqotay waqtiga ay soo baxday iyo farqiga ay muujineyso ee u dhexeeya mowqifka Imaaraadka ee fagaarayaasha siyaasadda iyo tallaabooyinka hoose ee uu qaadayay.

Abu Dhabi ayaa bannaanka ka muujinaysay inay qeyb ka tahay qaab-dhismeed amni oo ku dhisan iskaashi dhow oo lala leeyahay Mareykanka iyo Israel, balse xogtan ayaa tilmaameysa inay isla waqtigaas si hoose ula xiriiraysay Tehran si ay uga badbaado cawaaqibka dagaal ballaaran.

Dark Box ayaa sheegtay in dokumentiga ay aragtay uu muujinayo in Abu Dhabi ay wadday laba waddo oo is barbar socda. Midda koowaad waxay ahayd inay bannaanka ka muujiso inay tahay xulafo muhiim u ah Mareykanka iyo Israel, gaar ahaan kadib heshiisyadii caadeynta xiriirka Israel iyo dalal Carbeed. Midda labaadna waxay ahayd inay si hoose u raadiso dammaanad ka ilaalisa dhulkeeda, xarumaheeda maaliyadeed, ganacsigeeda, dekedaheeda, duulimaadyadeeda iyo mashaariicdeeda waaweyn haddii xaaladdu faraha ka baxdo.

Dokumentiga ay Dark Box sheegtay inay heshay si madax-bannaan looma xaqiijin, balse xogta ayaa dib u soo celisay dood hore oo ku saabsan qaabka Imaaraadku u maareeyo loollanka awoodaha gobolka.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in xisaabta Abu Dhabi ay si weyn ugu xirneyd dhaqaalaha. Imaaraadka, gaar ahaan Dubai iyo Abu Dhabi, wuxuu muddo dheer isku dhisay xarun maaliyadeed, dalxiis, ganacsi, dekedo, duulimaadyo iyo maalgashi caalami ah.

Dagaal daba dheeraada oo ka qarxa gobolka wuxuu si degdeg ah u dhaawici karaa tiirarkan, gaar ahaan haddii ay carqalad ku timaado marinnada badda, suuqa tamarta, duulimaadyada iyo kalsoonida maalgashadayaasha.

Dark Box ayaa sheegtay in cabsidaas ay Abu Dhabi ku riixday inay raadiso waxa u eg “caymis siyaasadeed” oo gaar ah, si ay daniheeda uga badbaadiso haddii xiisaddu sii xumaato.

Xogtan ayaa soo baxday maalmo kadib markii la shaaciyey in Imaaraadka Carabta uu ogolaaday in Iran loo fasaxo balaayiin dollar, tallaabo la sheegay inay qeyb ka tahay isbeddel xeeladeed oo dhacay kadib toddobaadyo ay Iran weerarro ku qaaday dalkaas Khaliijka ah intii uu socday dagaalkii Mareykanka iyo Israel ay kula jireen Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Laba ilo-wareed oo gobolka ah ayaa sheegay in Imaaraadka uu ogolaaday in Iran loo sii daayo lacag dhan 10 bilyan oo dollar, islamarkaana in ka badan saddex bilyan oo dollar horey loo gaarsiiyey.

Laba ilo-wareed kale oo xog ogaal u ah qorshaha ayaa sheegay in lacagta guud ee laga hadlayo ay gaareyso 20 bilyan oo dollar, iyagoo intaas ku daray in tallaabada lagu heshiiyey ay qeyb ka tahay dadaal lagu joojinayo weerarrada Iran ee ka dhanka ahaa Imaaraadka.

Mid ka mid ah ilahaas ayaa sidoo kale sheegay in qeybtii ugu horreysay oo dhan saddex bilyan oo dollar horey loo diyaariyey ama loo fasaxay.

Qorshahan lagu warramay ayaa muujinaya isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka Imaaraadka iyo Iran, kaas oo bilihii dagaalka uu hareeyay cadaawad muuqata, balse ugu dambeyn lagu qasbay inuu laaluusho Iran, si looga joojiyo weerarada.

Weerarrada Iran ayaa la sheegay inay saameyn xooggan ku yeesheen Imaaraadka, gaar ahaan Dubai, halkaas oo hoteello ay martidu ka baxday, qaar ka mid ah ajaaniibta degganna ay dalka isaga baxeen, iyadoo dhaawac soo gaaray sumcaddii amni ee Dubai ka dhigtay xarun ganacsi oo caalami ah.

Weerarkii ugu dambeeyey ee la og yahay in Iran ay si toos ah ugu qaadday Imaaraadka ayaa dhacay 4-tii May, markaas oo la beegsaday dekedda Fujairah ee ku taalla Gacanka Cumaan.

Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay su’aalo ku saabsan kalsoonida xulafada Imaaraadka. Abu Dhabi waxay sanadihii u dambeeyay xoojisay xiriirka amni ee Israel, waxayna ballaarisay iskaashiga difaaca ee ay la leedahay Mareykanka. Laakiin wararka sheegaya inay isla waqtigaas xiriir hoose la raadinaysay Iran ayaa muujinaya siyaasad ku dhisan dabacsanaan, xisaab dan gaar ah iyo isku day ay ku wada ilaalineyso dhinacyo iska soo horjeeda.

Dadka dhaliila siyaasadda Imaaraadka ayaa ku doodaya in xogtan ay iftiimineyso qaab Abu Dhabi muddo ku shaqeynaysay: inay kordhiso saameynteeda gobolka, balse iska ilaaliso inay si toos ah u qaaddo khatarta ka dhalan karta siyaasadaha ay taageerto.

Qaabkan wuxuu Imaaraadka siiyay dabacsanaan iyo saameyn siyaasadeed, balse wuxuu sidoo kale kordhiyay shakiga laga qabo sida loogu tiirsanaan karo ballanqaadyadiisa istaraatiijiga ah.

Sida ay sheegayaan falanqeeyayaasha, arrintan ma aha oo keliya xiriir diblomaasiyadeed oo qarsoodi ah, balse waxay banaanka keenaysaa falsafadda guud ee hagta siyaasadda Imaaraadka: in la kordhiyo saameynta, la yareeyo khatarta, lana ilaaliyo marin siyaasadeed oo furan xitaa marka arrintaasi dhaliso shaki iyo kalsooni-darro.

Su’aasha hadda taagan ma aha in Imaaraadku doonayo saameyn goboleed iyo in kale. Su’aashu waxay tahay in habkan ku dhisan dabacsanaan, danaysi siyaasadeed iyo isku dayga lagu wada ciyaarayo dhinacyo iska soo horjeeda uu sii wadi karo saameyntaas, isaga oo aan abuurin kalsooni-darro qoto dheer oo ka dhex dhalata xulafadiisa iyo dalalka gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News