25.4 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Ciidamada Mareykanka oo Soomaaliya ‘ku laayeey’ 3 qoys oo ka koobnaa 12 qof

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Baaritaan cusub oo uu daabacay wargeyska The Guardian ayaa shaaciyay faahfaahin murugo leh oo ku saabsan duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay bishii November ee sanadkii hore ka fuliyeen magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 12 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan siddeed carruur ah.

Duqeynta ayaa dhacday subaxnimadii 15-kii November 2025, xilli dad badan oo magaalada ku nool ay ku jireen nolol maalmeedkooda caadiga ah. Qaar ayaa quraacanayay, qaar kale waxay ka shaqeynayeen beeraha ku dhow magaalada, halka carruur badanna ay kasoo laabteen dugsi Qur’aan. Hase yeeshee, dhowr daqiiqo kadib, magaalada waxaa ruxay qaraxyo is xig-xigay oo burburiyay guryo, dugsi Qur’aan iyo xaafado ay deganaayeen qoysas rayid ah.

Sida ay sheegeen dad goob-joogayaal ah oo la hadlay The Guardian, diyaarado aan duuliye lahayn ayaa muddo dul heehaabayay Jamaame kahor inta aysan bilaaban duqeymaha. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen dhawaq xooggan oo cirka ka yeerayay, kadibna ay arkeen guryo iyo dhismayaal ku burburaya gantaallo kasoo dhacay hawada.

Mid ka mid ah qoysaska sida weyn u waxyeelloobay ayaa ahaa qoyska Cabdullaahi Maxamed Aabo Sheekh Cali. Xaaskiisa Safiyo Xasan Abukar, oo uur lahayd, iyo afar carruur ah oo ay dhashay ayaa ku dhintay weerarka. Carruurta la dilay waxaa ku jiray Cabdifataax oo 10 jir ahaa, Cabdinaasir oo 7 jir ahaa, Xuseen oo 6 jir ahaa iyo Cabdiraxmaan oo 4 jir ahaa.

Awoowgood Maxamed, oo gaaray guriga markii duqeyntu dhacday kadib, ayaa sheegay inuu arkay burbur aad u daran iyo meydadka carruurtiisa oo daadsan. Wuxuu sheegay in dhar iyo buugaag ay dhulka yaalleen, balse uu maskaxdiisu ku xayirantay muuqaalka meydadka carruurta uu jeclaa.

Qoysas kale ayaa iyaguna waayay ehelkoodii. Maxamed Xasan Cabdulle ayaa sheegay in gurigiisa la burburiyay, laguna dilay xaaskiisa Farxiyo Xasan Nuur oo 26 jir ahayd iyo gabadhiisa Leyla Maxamed Xasan oo 10 bilood jir ahayd. Gedow Ibraahim ayaa isna waayay laba gabdhood oo uu dhalay, Maryan oo 9 jir ahayd iyo Farxiyo oo 7 jir ahayd, halka gabadh kale oo uu dhalay ay dhaawacyo culus kasoo gaareen firirkii gantaallada.

Warbixinta The Guardian ayaa sheegtay in dadka deegaanka ay tiriyeen ugu yaraan 15 qarax, halka qaar ka mid ah dadka la wareystay ay sheegeen in ilaa 18 guri la burburiyay. Dugsi Qur’aan oo carruur badan ay wax ku baranayeen ayaa sidoo kale la sheegay in la duqeeyay, taasoo sii kordhisay su’aalaha ku saabsan cidda bartilmaameedka ahayd iyo sida loo qiimeeyay halista rayidka.

Taliska Mareykanka ee Afrika, Africom, ayaa hore u sheegay inuu 15-kii November duqeymo ka fuliyay aagga Jamaame, isagoo ku sheegay inay qeyb ka ahaayeen howlgal lagu wiiqayo awoodda kooxda Al-Shabaab. Hase yeeshee, talisku ma uusan qiran wax khasaare rayid ah, mana uusan shaacin magacyada dadka uu sheegay inuu bartilmaameedsaday ama dilay.

Dadka deegaanka ee la hadlay wargeyska ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan ku sugneyn gudaha magaalada xilliga duqeynta, inkastoo Jamaame ay ku taallo dhul ay kooxda saameyn xooggan ku leedahay. Dadkaasi waxay ku adkeysteen in xaafadaha la duqeeyay ay ku noolaayeen haween, carruur, waayeel, beeraley iyo xoolo-dhaqato.

Baaritaanka ayaa sidoo kale su’aalo culus ka keenay siyaasadda Mareykanka ee duqeymaha Soomaaliya, gaar ahaan xilliga maamulka Donald Trump. Warbixintu waxay sheegtay in xayiraado horay u jiray, oo ku saabsan oggolaanshaha duqeymaha Soomaaliya, la debciyay markii Trump mar labaad xafiiska la wareegay, taasoo saraakiisha Africom siisay awood ballaaran oo ay ku ansixin karaan weerarro degdeg ah.

Hay’adda ACLED, oo la socota colaadaha caalamka, ayaa sheegtay in Mareykanku sanadkii hore Soomaaliya ka fuliyay 123 duqeyn, tiradaas oo ka badan lix jibbaar sanadkii ka horreeyay. Sannadkan, illaa bishii May, waxaa la diiwaangeliyay 63 weerar oo kale, taasoo muujineysa in howlgalka cirka ee Mareykanka uu gaaray heer aan horay loo arag.

Warbixintu waxay sheegtay in qoysaska ay waxyeelladu gaartay aysan weli helin jawaab, raalli-gelin ama magdhow. Qaar ka mid ah dadka eheladooda lagu dilay duqeynta ayaa sheegay in aysan la soo xiriirin dowladda Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya midkoodna. Waxay dalbanayaan in la caddeeyo sababta guryahooda iyo carruurtooda loo duqeeyay.

Dhibbanayaasha qaar waxay ku nool yihiin cabsi joogto ah, iyagoo sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay weli dul heehaabaan magaalada, taasoo ka dhigtay habeenkooda mid argagax leh. Qoysas badan ayaa ka barakacay xaafadihii la duqeeyay, halka kuwa harsan ay sheegayaan in noloshoodu aysan dib ugu noqon sidii hore.

Baaritaanka The Guardian wuxuu kusoo aadayaa xilli Mareykanku uu sare u qaaday howlgalka uu Soomaaliya kula dagaallamayo Al-Shabaab. Hase yeeshee, khubaro dhanka amniga ah ayaa su’aal gelinaya waxtarka duqeymaha noocan ah, iyagoo ka digaya in khasaaraha rayidka uu abuuri karo caro cusub, islamarkaana uu kooxda Al-Shabaab u noqon karo qalab ay ku qorto dagaalyahanno cusub.

Sheekada Jamaame ayaa hadda noqotay mid dhalisay su’aalo waaweyn oo ku saabsan hufnaanta duqeymaha Mareykanka, ilaalinta nolosha rayidka Soomaaliyeed iyo cidda qaadaysa mas’uuliyadda marka carruur, haween iyo qoysas aan hubeysneyn ay ku dhintaan howlgal lagu sheegay mid ka dhan ah Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News