Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa uga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan howlaha xukuumadda, iyada oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Kulanka ayaa ugu horreyn lagu soo hadal qaaday Imtixaanka Qaranka Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee Sanad-Dugsiyeedka 2025-2026, xaaladda amniga, dhaqaale iyo bulsho ee dalka, sida lagu shegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.
Sidoo kale, waxaa shirka lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo ku saabsan qaban-qaabadda maalmaha xorriyadda iyo midoowga, iyo warbixin ku saabsan Hannaanka Iskaashiga Horumarineed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo xoogga saaraya horumarka Qaranka.
Dhanka kale, Golaha ayaa bogaadiyay doorashadii nabadda kusoo idlaatay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee qof iyo codka ahayd, iyada oo si gaar ah loogu mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Labaad Mudane Jibriil Cabdirishiid Xaaji oo ahaa Hoggaamiyihii Kumeel Gaarka ah ee maamulkaasi, intii lagu jiray xilligii kala guurka iyo doorashada, kaas oo hadda dib ugu soo laabtay golaha.
Inta uu socday shirka waxaa kale oo ay Goluhu si adag u cambaareeyeen tallaabadii uu Hoggaamiyaha Maamulka Somaliland ku tegay dhulka Falastiiniyiinta ee ay Israa’iil xoogga ku haysato. Golaha ayaa xusay in tallaabadaasi ay si cad uga hor imaanayso Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da dhowrista madaxbannaanida dalalka iyo xuquuqaha bulshooyinka dulman.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ku bogaadiyay Ciidamada Amniga dadaalka ay ugu jiraan xaqiijinta amniga caasimadda, iyagoo ka hortagay falal amni-darro oo la doonayay in lagu carqaladeeyo nabadgelyada iyo horumarka ka jira dalka.
Ugu dambeyn, Kulanka ayaa cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay xubin ka mid ah Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, kaas oo magaciisu yahay Mudane Maxamed Xasan Nuur, ahna sharciyaqaan sare oo kusoo baxay habraac tartan furan ah kaddib markii xubin kale uu xilka banneeyay.


