Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta shirkdoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay booqashadii uu Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cirro ku tegay dhulka Falastiin, halkaas oo ay gaysay Israa’iil.
Ugu horreyn Golaha Wasiirrada ayaa si adag u cambaareeyay booqashadaas, gaar ahaan tagista dhulka Falastiiniyiinta ee ay Israa’iil xoogga ku haysato,
Golaha ayaa tilmaamay in dowladda ay qaadi doonto tillaabo kasta oo ay ku difaaceyso Midnimada iyo Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Sidoo kale Golaha Wasiirrada ayaa xusay in tallaabadaasi ay si cad uga hor imaanayso Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da dhowrista madaxbannaanida dalalka iyo xuquuqaha bulshooyinka dulman.
Horay Dowladda Federaalka ayaa uga hortimid safaarad ay Qudus ka furatay Somaliland, taas oo uu xarigga ka jaray Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, waxayna dhalisay cambaareeyn wayn oo gudaha iyo dibadda ah.
Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in ay qaadeyso tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah, si ay u difaacdo midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka, iyadoo si adag uga hortageysa fara-gelinta ay Israa’iil ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa caddeysay in tallaabooyinka ay Israa’iil qaadayso ay dhaawac ku yihiin madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana ay khatar ku yihiin midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka. Dowladda Federaalka ayaa mar kale ku adkeysatay in aysan aqbali doonin wax kasta oo lagu wiiqayo qaranimada Soomaaliya.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Israa’iil ku eedeysay inay marar kala duwan ku lug lahayd tallaabooyin ay Muqdisho u aragto kuwo wax u dhimaya midnimada dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin aqoonsiga ay sheegtay inay siisay maamulka Somaliland, wafdiyo loo diray Hargeysa iyo martiqaadka loo fidiyay Cirro.

