Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa ballan qaadkii ugu horreeyay ka helay dowladda Shiinaha, kadib kulan uu la yeeshay safiirka dalkaasi, Wang Yu.
Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacabka ee Shiinaha, iyadoo labada dhinac ay isla garteen muhiimadda ay leedahay sii ambaqaadidda wada-shaqeynta dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee lagu hormarinayo deeganda Koonfur Galbeed.
Ugu horreyn, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa safiirka uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Shiinaha la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in la kordhiyo mashaariicda horumarineed ee laga hirgelinayo deegaannada Koonfur Galbeed, si loo dardargeliyo horumarka adeegyada bulshada iyo kobaca dhaqaalaha.
Intaas kadib waxaa hadalka qaatay Danjire Wang Yu oo isaguna marka hore ugu hambaliyeeyey Madaxweyne Sheekh Aadan Madoobe doorashadii lagu doortay ee maalmo kahor ka dhacday Baydhaba, taas oo meesha ka saartay xaaladda adkeyd ee ka jirtay maamulkaasi.
Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey sida Dowladda Shiinaha ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya, isaga oo Aadan Madoobe u ballan qaaday diyaar u ahaanshaha Dowladda Shiinaha ee taageeridda dadaallada horumarineed iyo mashaariicda wax ku oolka ah ee ka hirgelaya deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulankan ayaa ka mid ah dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ay ku xoojinayso deeqbixiyaasha caalamiga ah iyo soo jiidashada maalgashiga iyo mashaariicda horumarineed ee wax ka tari kara horumarka iyo adeegyada bulshada.
Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa haatan gashay marxalad cusub, kadib isbeddalkii maamul ee ka dhacay Baydhaba, kaas oo uu majaraha u qabtay Aadan Madoobe oo la filayo in dhawaan lagu caleema saaro magaaladaasi.


