Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa si rasmi ah u xaqiijisay inay soo iibsatay nidaamka difaaca cirka ee fog, HQ-9B, kaasoo lagu sameeyo Shiinaha.
Tallaabadan ayaa ka tarjumaysa isbeddelka ku yimid istaraatiijiyadda milatari ee dalkaas, xilli Shiinuhu uu si deg-deg ah u ballaarinayo saameyntiisa dhanka hubka caalamka.
Nidaamkan cusub ee HQ-9B ayaa lagu tilmaamaa mid la jaanqaadi kara nidaamyada kale ee caalamka sida Patriot-ka Mareykanka ama S-300-ka Ruushka.
Wuxuu leeyahay awood uu ku toogto diyaaradaha dagaalka, gantaallada fog laga soo rido iyo kuwa aadka u dheereeya.
Sida ay sheegeen khubaro ku takhasusay amniga iyo difaaca, heshiiskan uu Masar la gashay Shiinaha wuxuu saameyn ku yeelan karaa doorkii Ruushka ee suuqyada hubka Afrika, iyadoo Shiinuhu si tartiib tartiib ah u buuxinayo booskii Moscow ee qaaradda.
Masar oo muddo dheer ahayd macaamiil muhiim ah oo Ruushka u ah dhanka hubka, ayaa hadda muuqata inay wajahayso dhanka Shiinaha.
Tan ayaa waxaa lagu fasiray isbeddelka ballaaran ee ka socda saameynta istiraatiijiyadeed ee Bariga Dhexe iyo Afrika.

