26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Puntland oo maanta soo saartay go’aan culus oo ay ku mamnuucayso in ciidanka DF…

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa soo saaray go’aan uu ku mamnuucayo in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka howl-galaan deegaano ka tirsan maamulka.

Puntland ayaa shaaca ka qaaday in aysan qayb ka ahayn heshiisyada dhismaha ciidamada qaranka oo aysan deegaannadeeda ku sugnaan karin ciidan ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Go’aankan ayaa lagu gaaray shirkii Golaha Wasiirrada Puntland ee maanta, kaasi oo uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka, Ilyaas Cismaan Lugatoor.

“Goluhu wuxuu adkeeyey mowqifkiisa ah in dowladda Puntland aysan qayb ka ahayn ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ilaa laga gaarayo heshiis dhammaan qodobbada ay isku hayaan maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka, kuwaas oo ay ka mid tahay hannaanka loo marayo dhismaha ciidan qaran oo heer federaal ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka Golaha Wasiirrada.

Golaha ayaa faray dhammaan hay’adaha amniga iyo caddaaladda ee maamulka Puntland in aanay deegaannada Puntland ku sugnaan karin, isagana gudbi karin gaadiid iyo ciidan aan ka tirsnayn ciidammada dowlad-goboleedka Puntland.

Maamulka ayaa sheegay in cidii ku xad-gudubta shuruucda iyo qawaaniinta Puntland laga qaadi doono tallaabo sharci ah. “Goluhu wuxuu ugu baaqayaa dadweynaha Puntland inay qayb ka qaataan ilaalinta amniga iyo xasilloonida deegaannada Puntland,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.

Si kastaba, go’aankan ayaa u muuqda mid uu maamulka Puntland oo xiisad siyaasadeed kala dhaxeyso hoggaanka Dowladda Federaalka uga hortagayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay dowladda ka sameyso deegaanno ka tirsan Puntland, xilli ay maalmihii u dambeeyay waday qorshe lagu doonayay in dib loogu hawlgeliyo cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga oo hore ugu sugnaa deegaannadaas.

Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran:

Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ee qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 18-ka Juun 2026, uuna shir-guddoominayay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey xaaladda amni ee Puntland.

Goluhu wuxuu adkeeyey mowqifkiisa ah in Dowladda Puntland aysan qayb ka ahayn Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ilaa laga gaarayo heshiis dhammaan qodobbada ay isku hayaan Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid tahay hannaanka loo marayo dhismaha Ciidan Qaran oo heer Federaal ah.

Sidaas darteed, Goluhu wuxuu faray dhammaan Hay’adaha Amniga iyo Caddaaladda ee Dowladda Puntland in aanay deegaannada Puntland ku sugnaan karin, isagana gudbi karin gaadiid iyo ciidan aan ka tirsnayn Ciidammada Dowladda Puntland.

Sidoo kale in cidii ku xadgudubta shuruucda iyo qawaaniinta Dowladda Puntland laga qaado tallaabo sharciya waafaqsan. Goluhu wuxuu ugu baaqayaa dadweynaha Puntland inay qayb ka qaataan ilaalinta amniga iyo xasilloonida deegaannada Puntland.

<Dhammaad>

- Advertisement -

Read more

Local News