Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta gaaray wafdi culus oo ka socda Qaramada Midoobay, kaas oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada iyo isku-duwaha gargaarka Deg-degga ah, Tom Fletcher.
Wafdigan culus ee booqashada ku tegay Baydhabo ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyay hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo ku qaabilay xarunta madaxtooyada Baydhabo, iyada oo kulanka ay kala qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada
Inta uu socday kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Maamulka Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadannimo, wax ka qabashada saameynta abaaraha, iyo taageerada dadka barakacay ee ku nool deegaanada Koonfur Galbeed.
Hogaamiyaha ay dowladdu magacaabay oo madasha ka hadlay ayaa uga mahad-celiyay Qaramada Midoobay doorka muuqda ee ay ka qaadato taageerada shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay baahida loo qabo in la kordhiyo gurmadka degdegga ah iyo mashaariicda horumarineed ee wax ka tari kara xaaladaha bani’aadannimo ee sii kordhaya.
Dhankiisa Tom Fletcher ayaa adkeeyay sida ay Qaramada Midoobay uga go’an tahay sii wadista taageerada ay siiso dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan xaaladaha nugul. Waxa uu tilmaamay in booqashadiisu ay qayb ka tahay qiimeyn lagu sameynayo baahiyaha dhabta ah ee ka jira goobaha ay saameeyeen abaaraha iyo colaadaha.
Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay sida daran uga jiraan xaaladaha abaaraha oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.
Waxaa kale oo usii dheer xiisado siyaasadeed oo ka taagan Baydhabo, kana dhashay isbeddelkii ka dhacay Koonfur Galbeed Soomaaliya, maadaama meesha laga saaray maamulkii uu hoggaaminayay madaxweyne Lafta-gareen.


