31 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Sarriflayaasha Muqdisho oo maalintii labaad isugu soo baxay Muqdisho + Video

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maalintii labaad dibad-bax ballaaran ka dhigay Sariflayaasha shiling Soomaaliga oo ka cabanaya diidmada kunka Shilin, maadaama uu sameeyay gebi ahaan shaqadooda.

Sarriflayaasha oo isugu soo baxay Suuq Bacaad ayaa cabasho wayn ka muujiyay in meesha laga saaro lacagta shilin Soomaaliga, waxayna farriin u direen madaxda dowladda Soomaaliya.

Qaar kamid ah sarriflayaasha oo hadal siiyay warbaahinta ayaa sheegay in xittaa dowladda Soomaaliya ay diiday in Shilin Soomaaliga ay ku qaadato canshuurta, kadibna shacabka ay iska diideen.

“Canshuurta dowladdu kuma qaadato Shilin Soomaali waxay ku qaadataa dollar shacabkiina waxay waayeen meel ay u wadaan lacagtooda” ayuu yiri mid kamid ah sarriflayaasha Muqdisho.

Sidoo kale, waxay intaas ku dareen in hadda ay istaagtay shaqadooda, ayna dalbadanayaan in arrintooda lasoo farageliyo, si loo soo celiyo shilinka Soomaaliga.

“Madaxweyne Xasan Sheekh baa farriin u dirayaa shacabka waa baabi’i rabaan lacagta shilinka Soomaaliga haddii uu wax ka qabana qabyo ninkeeda dhammaystira waxay noqoneysaa igu sawir. Waxaan madaxweynaha ka codsaneynayaa in maalmaha u horay kahor uu wax ka qabto arrintan” ayuu yiri  sarrifle kale oo la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho.

Kunka shilin oo ah lacagta kaliya ee kasoo hartay lacagihii uu dalku lahaa ayaa haatan laga diiday qaybo badan oo kamid ah dalka, waxaana haatan dadka ay isticmaalaan Dollar iyo lacagaha elektarooniga ah ee taleefannada lagu qaato, kuwaas oo haatan wax lagu kala iibsado.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa illaa iyo hadda aan wax ka qaban arrintan, iyadoo uu shaqeyn waayay amarkii duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ee ku aadan qaadashada lacagta shilin Soomaaliga.

- Advertisement -

Read more

Local News