Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa maanta oo Jimce ah ku qaabilay madaxtooyada Ankara dhiggiisa Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Kulanka ayaa lagu adkeeyey taageerada joogtada ah ee Türkiye ay la garab taagan tahay Soomaaliya, iyadoo la iftiimiyey xiriirka sii qoto dheeranaya ee labada dal.
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri “Labada Madaxwayne ayaa isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal u dhexeeya, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray sare u qaadista iskaashiga dhanka amniga iyo ciribtirka Khawaarijta.”
Intii ay socdeen wadahadallada heerka sare ah, labada hoggaamiye waxay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka ah iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee gobolka, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta, iyo la-dagaallanka argagixisada.
Madaxweyne Erdoğan ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Türkiye uga go’an tahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, wuxuuna yiri, “Iskaashiga ka dhexeeya Türkiye iyo Soomaaliya wuu sii xoogeysan doonaa.” Wuxuu xusay in labada dal ay diyaar u yihiin inay qaadaan tillaabooyin dheeri ah oo lagu horumarinayo xiriirkooda dhinacyo kala duwan, oo ay ku jiraan difaaca, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, iyo gargaarka bini’aadantinimada.
Isagoo ku celinaya mowqifka adag ee Türkiye ee ka dhanka ah argagixisada, ayuu Erdoğan xaqiijiyey in dalkiisu uu sii wadi doono taageerada uu siiyo shacabka Soomaaliyeed ee halganka kula jira khataraha xagjirnimada. “Dadaallada Soomaaliya ee ay ku doonayso inay ku gaarto midnimo qaran si ay ula dagaallanto argagixisada waa kuwo ahmiyad weyn leh,” ayuu yiri Erdoğan, isagoo carabka ku adkeeyey muhiimadda istiraatiijiyadeed ee xasiloonida Geeska Afrika.
Booqashada Madaxweyne Maxamuud ayaa ku soo beegmaysa xilli uu jiro iskaashi joogto ah oo u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta dhaqaalaha. Türkiye waxay ahayd saaxiib muhiim ah oo garab taagnaa Soomaaliya, iyadoo siinaysay tababbarro milatari, gargaar bini’aadantinimo, iyo mashaariic horumarineed tan iyo sanadkii 2011-kii.
Iskaashigan ayaa waxaa si xooggan uga caraysan Imaaraatka Carabta oo hadda ka shaqeynaya heshiis uu Itoobiya ugu kireynayo saldhig milatari oo uu ka dhisay Somaliland, tallaabadaas oo ah mid si xeeladaysan looga gol leeyahay in lagu wiiqo saamaynta sii ballaaranaysa ee Turkiga uu ku leeyahay Geeska Afrika, sida ay sheegeen saraakiil Soomaali ah iyo ilo xog-ogaal u ah qorshahan xasaasiga ah.
Dhaqdhaqaaqan ay waddo Abu Dhabi ayaa lagu eedeeyay inuu si bareer ah u hurinayo khilaafka halista ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku aaddan helitaanka marin-badeed, taasoo meesha ka saaraysa dhexdhexaadin uu Turkigu hormuud ka ahaa, isla markaana ku riixaysa gobolkan istiraatiijiga ah qalalaase hor leh.
Xudunta qorshahani waa saldhig milatari oo muhiim ah oo ku yaalla dekedda Berbera ee Somaliland, kaasoo uu dhisay Imaaraatka Carabta. Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online, Imaaraatka oo ka walaacsan heshiis difaac oo ballaaran oo ay horaantii 2024 kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo Turkiga oo ay xafiiltamaan, ayaa saldhigga u bandhigay dalka aan badda lahayn ee Itoobiya.
Si uu doorkiisa u qariyo, Imaaraatka ayaa la sheegay inuu heshiiska u qaabeeyay mid si toos ah u dhexmara Itoobiya iyo Somaliland, taasoo ka dhigaysa inuu isagu yahay maskaxda aan muuqan ee ka dambaysa xiisaddan sii kordhaysa.
Booqashada ayaa lagu soo gabagabeeyey ballanqaad wadajir ah oo ku aaddan in la sii dardargeliyo iskaashiga diblomaasiyadeed iyo kan istiraatiijiyadeed, iyadoo labada dal ay doonayaan inay kaalin wax-ku-ool ah ka qaataan xaqiijinta nabadda iyo barwaaqada gobolka.

