Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga ayaa si adag u cambaareeyay amar uu dhawaan Madaxweyne William Ruto siiyey ciidamada booliiska oo ahaa in ay si toos ah u toogtaan dadka marka dibadbaxyadu dhacayaan rabshadaha gaysta, gaar ahaan kuwa hantida dadka iyo dowladda waxyeellada u gaysta.
Bayaan uu maanta soo saaray Raila ayuu ku sheegay in amar kasta oo ciidanka booliiska lagu farayo in ay toogtaan, dhaawacaan, cabsi geliyaan ama handadaan muwaadiniinta uu yahay mid qaldan.
Raila oo saami ku leh dowladda ballaaran ee uu hogaamiyo Ruto, ayaa taas beddelkeeda ugu baaqay in la ixtiraamo sharciga iyo in aan la adeegsan xadgudub awooddeysan.
“Dibadbax kasta ama xaalad kasta oo u baahan in la sugo amniga, amar kasta oo oggolaanaya in shacabka la toogto, la dhaawaco, ama la cabsi geliyo waa mid qaldan,” ayuu yiri Raila.
Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa si cad u sheegay in cid kasta oo ka qaybqaadanaysa dhac iyo dab qabadsiin goobaha ganacsiga ama xarumaha dolwdda xilliyada mudaaharaadyada dawladda lagaga soo horjeedo in “lugaha laga toogto”.
Madaxweynaha ayaa intaa raaciyay, “Dadka markii aad toogataan isbitaal geeya, kadibna maxkamad ha la geeyo,” weerarrada lagu qaado saldhigyada booliiska ama saraakiisha ayuu sheegay madaxweyne Ruto in loo qaadan doono “ku dhawaaqid dagaal” oo ka dhan ah Kenya.
Raila Odinga Oo ka jawaabay hadalka Maxaxweynaha ayaa yiri “Dalkaan waa in mar walba aan doorannaa sharciga iyo habraaca saxda ah, kana hortagnaa rabitaanka lagu siinayo booliiska awood ay dad rayid ah ku toogtaan, xitaa marka ay muwaadiniintu u muuqdaan kuwo jebiyay sharciga.”
Madaxweyne Ruto ayaa markii uu amarkaas bixinaayey u muuqday mid caro ka muuqato, isagoo si kulul u weeraray shaqsiyaad aan magacooda la sheegin oo uu ku eedeeyay in ay maalgelinayaan qalalaasaha iyo mudaharaadyada ka socda dalka, isaga oo sheegay in dowladdu aysan aqbali doonin wax kasta oo lagu carqaladeynayo xasilloonida dalka.
“Waan aamusnaa, waana dulqaadanayay dadka raba in ay xukunka beddelaan iyaga oo adeegsanaya siyaabo aan dastuur ahayn,” ayuu yiri Ruto.
Si kastaba ha ahaatee, Raila ayaa si cad uga hor yimid mowqifka Ruto, isaga oo ugu baaqay dowladda in ay diiradda saarto sidii loo qaban lahaa dadka ku lugta leh rabshadaha si sharciga loo mariyo.
Raila ayaa sheegay in tallaabadaasi ay ilaalin doonto karaamada iyo xuquuqda aadanaha ee dadka la tuhunsan yahay, isla markaana ay u keeni doonto daahfurnaan iyo kalsooni dadweynaha tallaabooyinka dowladeed.

