Berlin (Caasimada Online) – Dagaal sirdoon oo qarsoon ayaa ka socda gudaha dalalka Yurub, kuwaas oo lagu beegsanayo xarumaha tamarta gaaska ee Ruushka, si loo jaro xiriirka dhaqaale ee Ruushka iyo Yurub.
Dad badan waxay ogyihiin dagaalka Ukraine, balse waxa aanay garanayn in gadaashiisa uu socda dagaal qarsoon oo ka khatar badan, kaas oo aan lagu wadin dhul furan ama ciidamo, balse lagu dagaallamayo dhuumaha shidaalka, xarumaha sifaynta saliidda, iyo ilaha tamarta ee isku xidha qaaradda.
Waxa dhacday toddobaadyadii ugu dambeeyay ayaa tusaale u ah dagaal aan magac loo bixin oo sirdoon ah, mid ay u muuqato in uu leeyahay qorshe istaraatiiji ah oo waqti dheer lagu dhisayo.
Subaxdii Isniinta, qarax xooggan ayaa gilgilay dalka Romania, oo ka tirsan xulafada NATO. Qaraxaas wuxuu si toos ah u beegsaday mid ka mid ah warshadihii ugu waaweynaa ee sifaynta saliidda Romania ee Petrotel Refinery, oo si buuxda ay u leedahay shirkadda Ruushka ee Lukoil. Marka hore dadka waxay u qaateen shil, balse si degdeg ah waxaa usoo baxday in si toos ah loo weerarray xarunta.
Dhacdo layaab leh ayaa isla maalintaas ka dhacday dalka deriska la ah Romania ee Hungary. Dabkaasi wuxuu qabsaday warshaddii ugu weynayd sifaynta saliidda ee Hungary, taas oo ah, tan keliya ee Yurub ku dhexe ku taal oo sifeysa shidaal cayriin ee Ruushka, iyada oo loo marayo khadka tamarta ee caanka ah Druzhba Pipeline.
Hungary waa dal caan ku ah xiriirkiisa dhow ee uu la leeyahay Moscow, waana mid ka mid ah dalalka reer Yurub ee si cad u diiday in ay ka go’aan gaaska Ruushka.
Marka labada dhacdo la isku daro qarax ka dhacay Romania oo la xiriira shirkad Ruush ah iyo dab ka kacay Hungary oo qabsaday xarun shidaal oo Ruushku leeyahay,waxaa meesha ka baxaya is waydiinta in dhacdooyin loo qaato shil.
Fallanqeeyaasha Yurub iyo Ruushka , waxay si cad u sheegayaan inan marna shil lagu tilmaami karin. Waxa dhacaya waa hawlgallo sirdoon oo si qoto dheer loo qorsheeyay, kuwaas oo bartilmaameedsanaya kaabayaasha tamarta ee xiriir toos ah la leh Ruushka.
Ujeedka howlgalladan waa in la burburiyaa dhaqaalaha iyo xiriirka uu Yurub la leeyahay. Si kastaba ha ahaatee, dalalka qaarkood waxay aaminsan yihiin in aan la oran karin Ukraine ayaa ka dambeysa, sababtoo ah howlahan farsamo iyo sirdoon ee heerkan ah waxay u baahan yihiin awood dhaqaale, tiknoolajiyad iyo aqoon sirdoon oo ka sarraysa awoodda Kyiv.
Taasi waxay keentay in la is weydiiyo: yaa dhab ahaantii ka dambeeya weerarradan? NATO? Sirdoon gaar ah? mise awood saddexaad oo ka faa’iidaysanaysa isku dhacyada.
Faransiiska iyo Ingiriiska waxay leeyihiin awoodda ay ku fulin karaan howlgal noocaas ah. Laakiin waa in la fiiriyaa cidda ugu badan ka faa’iideysanayaa arrinkan ama yaa faa’iido ku qaba haddii gaaska Ruushka laga joojiyo Yurub!
Ujeeddada howlgaladan ee muuqata waa cadaadis dhaqaale oo loo saarayo Ruushka iyo in la dhimo ku tiirsanaanta Yurub ee gaaska Ruushka.
Marka la yareeyo ku tiirsanaanta Yurub ee gaaska Ruushka, waxaa si dabiici ah u kordhaya baahida loo qabo gaaska dareeraha ah (LNG) ee Maraykanka.
Tusaale ahaan, marka aan dib taariikhda ugu laabano dagaalkii labaad ee adduunka , markii Yurub ay ku jirtay burbur dagaal, Maraykanku wuxuu ka faa’iideystay isagoo ka ganacsanayay hubka iyo sahayda, xilligaa oo lacag badan uu ka helay, Yurubna waxay ku jirtay xaalad dhibaato.
Hawlaha maanta socda waxay la mid yihiin mabda’aas: Yurub Galbeed ayaa waxyeeloobaya marka laga jaro gaaska Ruushka ama marka la carqaladeeyo khadadka sahayda.
Dhanka kale, Maraykanka wuxuu istaagayaa dhinaca kale sida bixiye kale oo LNG ah iyo il kale oo tamar, taasoo kordhisa dalabka iyo qiimaha, taasina waxay kordhisaa faa’iido aad u weyn oo shirkadaha tamarta ee Mareykanka iska leh, isla markaana waxay xoojinaysaa saameynta siyaasadeed iyo dhaqaale ee Maraykanka uu ku leeyahay gudaha Yurub.
Farqiga u weyn ee maanta jira waa in dagaalku yahay mid dhaqaale iyo istiraatiiji ah, halkii uu horey u ahaa dagaal ay ciidamo ka qey galaan, balse natiijadu waa isku mid, faa’iidooyin waaweyn oo ay heleyaan Maraykanka iyo shirkadiisa, halka Yurub iyo Ruushkaba ay bixiyaan qiimo culus.

