Dagaallo culus oo markale ka dhacay Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

Laascaanood (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa weli kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in markale ay xalay dagaallo culus ay ka dhaceen bartamaha magaaladaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhigyo ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin duleedka magaaladaasi.

Mid kamid ah weeraradaan ayaa waxaa lagu beegsaday saldhig u dhow meel uu haatan dagan yahay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalladaas ay ka dhasheen khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ku kooban labada dhinac, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Xiisad xoogan ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in saaka ay ka taagan tahay duleedka magaalada, taas oo ka dhalatay weerarada lala beegsaday ciidamada Somaliland.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa dhankooda bilaabay dhaq-dhaqaaq cusub iyo howlgallo ay ku baadi goobayan raggii ka dambeeyay weerarada xalay ka dhacay halkaasi.

Xaaladda guud ee magaalada ayaa weli cakiran, maadaama rabshaduhu ay sii kordheen, isla-markaana ay socdaan todobaadkii saddexaad oo xiriir ah

Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa sheegaya in aysan dooneyn inay Somaliland xukunto Laascaanood, iyagoo ku doodaya in dilka haldoorkooda aysan sidaan ku sii fiirsa karin.

Magaalada waxaa ku soo noqnoqday dilalka kooxaha aan la garanayn ay geystaan, waxaana la beegsadaa dadka haldoorka u ah bulshada magaalada Laascaanood.

Si kastaba, baaqyo ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood ayaa iska soo dabadhacaya, balse sida muuqata Somaliland waa ay ka dhego furaysatay.