Dakhli kororka 90% ah ee ay horey ugu faantay DF Somalia oo been cad noqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Korarka dhaqaale  ee 90% ee horey xukuumadda ra’iisul wasarae Xasan Cali Kheyre ay ugu faantay ayaa noqday mid aan jirin oo been ah, kadib markii wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducyele Beyle uu ka laabtay markii uu shalay hortagey baarlamanka Soomaaliya.

Wasiirka oo shalay hortagey baarlamanka ayaa wax laga weydiiyey miisaaniyadda dowladda, hase yeeshee waxa uu aad uga niyad jabay in dowladda aysan haysan dhaqaale badan, islamarkaana dakhliga gudaha aanu ku filneyn, dalal badanna aysan bixin lacag ay u ballan-qaadeen.

Beyle oo markaas kadib la weydiiyey inuu horey u sheegay in dakhliga dowladda kasoo gala garoonka iyo dekedda Muqdisho uu kordhay 90%, ayaa sheegay in arrintaas ay tahay mid aan waxba ka jirin.

“Markii aan sidaas lahaa, shaqada ayaan ku cusbaa, oo farxadda ayaa iga badatay, si wanaagsanna uma eegin xaqiiqda, mana jiro koror dakhli oo ah 90%” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu jiray koror dakhli, balse uu ahaa mid xiliyeed oo la xiriiray ganacsiga oo sare u kacay bishii ramadaan iyo ciidii, oo alaab badan la keenay Muqdisho.

Arrintan ayaa muujineysa fudeed iyo mas’uuliyad darro ay dowladda cusub ku caan baxday, ayada oo markii uu wasiirka uu sheegay kororka dhaqaale ee 90% ay aad uga farxeen Soomaali badan, waxaase hadda muuqata inay ahayd been shacabka lagu qalday.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com