25.9 C
Mogadishu
Wednesday, August 20, 2025

Dal aan laga fileyn oo wada-hadallo sir ah kula jira Israel si uu qaabilo shacabka Gaza

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tripoli (Caasmada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Liibiya ee ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ayaa wadahadallo qarsoodi ah la yeeshay mas’uuliyiin Israa’iil ah, kuwaas oo ku saabsan qorshe dib-u-dejin loogu sameynayo Falastiiniyiinta Gaza ee la barakicinayo, sida ay sheegeen ilo Carab iyo Yurub ah oo uu soo xigtay wargeyska Middle East Eye.

Wadahadalladan waxaa la sheegay inuu hoggaaminayay Ibrahim Dbeibah, la-taliyaha amniga qaranka, sidoo Kalena qaraabo dhow la ah Ra’iisul Wasaare Abdul Hamid Dbeibah. Ilo wareedyadu waxay tilmaameen in “wadahadallo dhab ah” ay dhaceen, balse aan weli la dejin hannaan cad oo lagu fulinayo. Qorshahan laguma wargelin xubnaha baarlamaanka fadhigiisu yahay Tripoli, maadaama taageerada qadiyadda Falastiin ay aad ugu xooggan tahay gudaha dalka.

Mid ka mid ah ilo wareedyada ayaa sheegay in Washington ay soo bandhigtay dhiirrigelinno dhaqaale, oo ay ku jirto sii daynta $30 bilyan oo hanti Liibiya laga xayiray tan iyo 2011, beddelkeedana looga fadhiyo in Tripoli ay aqbasho qaxootiga Falastiiniyiinta. Massad Boulos, la-taliye sare oo xiriir dhow la leh madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa lala xiriiriyay wadahadallo hore oo ku saabsanaa lacagahaas, hase yeeshee si cad ayuu u diiday inuu ku lug lahaa qorshe kasta oo dib-u-dejin ah.

Aqalka Cad ayaa dhankiisa sheegay in Trump uu muddo dheer ku ololeynayay “xalal hal-abuur leh” oo lagu hagaajinayo nolosha Falastiiniyiinta, taas oo ay ku jirto dib-u-dejin dibadda ah inta Gaza dib loo dhisayo.

Warbixinnadu waxay soo baxeen xilli ay Israa’iil si fagaare ah ugu baaqayso dalal kale in ay qaabilaan dadka Gaza ka barakacay. Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay xiriir kala sameysay “dalal dhowr ah” arrintan, halka Wasiirka Beeraha Avi Dichter uu ku tilmaamay Liibiya “meesha ugu habboon” sababo la xiriira dhulkeeda baaxadda weyn iyo xeebta Badda Meditareeniyaanka.

Si kastaba ha ahaatee, hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa ku adkaystay in barakicinta qasabka ah ay si cad uga hor imanayso sharciga caalamiga ah, gaar ahaan Axdiga Afraad ee Geneva.

Warbixinnada ayaa kiciyay falcelin xooggan oo gudaha ah. Saacado yar kadib markii Middle East Eye la xiriiray, Ra’iisul Wasaare Dbeibah wuxuu ku dhawaaqay in dowladdiisu aysan ka qayb qaadan doonin “dambi” dib-u-dejin Falastiiniyiin, isaga oo ku celiyay mowqifkii hore ee safaaradda Maraykanka ee Tripoli oo ku baaqday in wararkaasi la iska fogeeyo.

Dhanka kale, Khalifa Haftar, hoggaamiyaha awoodda badan ee bariga Liibiya, ayaa la sheegay in loo soo bandhigay inuu helo qayb dheeraad ah oo ka mid ah dakhliga saliidda haddii uu aqbalo qaxootiga. Wuxuu beeniyay eedeymahaas, balse saraakiil Yurub ah ayaa sheegay in Haftar iyo dowladda Tripoli ay isku mar isku dayayeen xiriir qarsoodi ah oo Israa’iil ah si ay u kasbadaan taageerada Maraykanka.

Falanqeeyayaashu waxay ka digeen in qorshahan uu keeni karo qalalaase cusub. “Tani waxay naxdin ku noqon doontaa shacabka Liibiya,” ayuu yiri sarkaal Carbeed, isaga oo xusay in ka qaybgalka waxa Falastiiniyiintu u arkaan isir-sifeyn uu kicin doono caro ballaaran.

Qaar kale waxay ku doodeen in haddii dadka Gaza loo raro dal sida Liibiya oo dagaallo iyo kala qeybsanaan siyaasadeed ay wiiqeen, arrintani ay ku riixi doonto kumannaan tahriib quus ah oo ku wajahan Yurub. “Waxay noqon doontaa musiibo heerar badan leh,” ayuu yiri sarkaal Yurub ah, isaga oo saadaaliyay dhimasho hor leh oo Mediterranean-ka ka dhacda iyo culeys siyaasadeed oo ka yimaada dalalka Yurub oo aan dooneyn inay qaabilaan qaxooti cusub.

In kasta oo Liibiya aysan si rasmi ah u aqoonsan Israa’iil, haddana waxaa horey loogu eedeeyay xiriir qarsoodi ah. 2023-kii, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Najla al-Mangoush ayaa shaqada laga eryay ka dib markii la ogaaday inay kulan qarsoodi ah kula yeelatay wasiirkii arrimaha dibadda Israa’iil magaalada Rome — kulan markii dambe lagu sheegay inuu qorshihiisa lahaa Ibrahim Dbeibah.

Israaiil ayaa sidoo kale lala xiriiriyay qorshayaal kale oo lagu dejinayo Falastiiniyiin dalal Afrikaan ah, sida Suudaan, Koonfurta Suudaan iyo gobolka gooni isu taagga ah ee Somaliland. Balse dhammaan meelahaasi waxaa ka jira xaalado halis ah: Suudaan waxaa dagaal sokeeye ku dilay in ka badan 150,000 tan iyo 2023; Koonfurta Suudaan malaayiin qof ayaa wajahaya macluul; halka Somaliland ay hanjabaado kala kulantay kooxda al-Shabaab kadib heshiiskii ay la gashay Itoobiya.

Dadka dhaleeceeya waxay sheegeen in wadahadalladani ay ka tarjumayaan sida hoggaamiyeyaasha Liibiya ay u raadinayaan raalligelinta Maraykanka halkii ay ka danayn lahaayeen daryeelka Falastiiniyiinta. “Aqbalaadda Falastiiniyiintu waxay ku imaan kartaa qiimo siyaasadeed oo aad u culus cid kasta oo la macaamisha Washington,” ayuu yiri falanqeeye Mohamed Mahfouz.

- Advertisement -

Read more

Local News