25.9 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Dal Europe ah oo shaaciyey in hadda kadib uu qaxootiga toos uga soo qaadan doono Libya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Waddanka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa shaaca ka qaaday in uu qaadayo tallaabo uu isku hortaagayo qaxootiga naftooda halista u soo gelinaya inay soo gaaraan Qaaradda Yurub oo ay magangalyo weydiistaan.

Waxaa uu xusay Macron in ay haatan wixii ka dambeeya xeryo Qaxootinimo lagu weydiisto Faransiiska ay ka furi doonaan gudaha Libya taas oo sahli doonta in dadku ka baaqsadaan khatarta waalida ah ee ay galayaan.

Macron waxaa kale oo uu si cad u sheegay in 800,000 illaa 1,000,000 oo qofood ay haatan ku sugan yihiin xeryaha Libya kuwaas oo rajaynaya inay Yurub beegsadaan, laakiin qaar badan oo ka mid ah aysan xaq u heli doonin inay qaxooti rasmi ah noqdaan xeerarka Yurub u yaalla awgeed waaba haddii ay nasiib u yeeshaan inay safarkaasi ka badbaadaan.

Sababta ugu weyn ee ay xukuumadda Faransiisku u qaaddayso tallaabadan ayaa ah sidii meesha looga saari lahaa lacagaha fara badan ee dadka tahriibaya ay siiyaan kuwa muqalasiinta ah ee dadka tahriibiya, lacagahaasoo ay dhici karto buu sheegay Macron in loo isticmaalo argagixiso.

Fikraddani waxay tahay inaan abuurno siyaabo dadkaasi uga baaqsan karaan in ay halistaasi u bareeraan iyadoo la ogyahay in dhammaantood aan qaxootinimo loo aqoonsan doonin, waan u tegi doonnaa (Libya)» ayuu Madaxweyne Macron ka sheegay xaflad dad Jinsiyadda Faransiiska lagu guddoonsiinayay oo ka dhacday Orléans.

Faransiisku wuxuu dhex dhexaadin Paris ugu sameeyay dhinacyada isku haya Libya ee Ra’iisul Wasaare Fayez Al-Sarraj iyo Khalifa Haftar oo ah hoggaamiye Militeri.

Sanadkan oo keliya waxaa Qarammada Midoobay ay sheegtay in 110,000 oo magangalyo doon ah oo Afrika iyo Bariga Dhexe ka socda ay ka soo gudbeen Badda Mediterranean-ka iyagoo jihadoodu tahay Yurub, laakiin 2,300 ayaa la waayay ama badda ku halaagsamay.

362,753 Qaxooti ah ayaa sanadkii dhamaaday soo gaaray Yurub kuwaas oo ka soo galay dhinaca badda kuwooda ugu badanna waxay gaareen Talyaaniga iyo Giriigga.

Dhinaca kale sanadkii 2015, Faransiiska ayaa qaxootinimo u aqoonsaday 20,630 muhaajiriin ah sida lagu caddeeyay warbixin ka soo baxday hay’adda Yurub ee Qaxootiga qiimeysa ee ‘Eurosat’.

W/D: Yaxye Yuusuf
France

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News