25.7 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

DANTA-GAARKA AH IYO DANTA-GUUD

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Self-interest and Common interest

Dhamaan waxaan salamayaa, salaanta Muslimka ummadda Soomaaliyeed ee walaalaha ah kuna nool dunidan dacaladeeda. Walaalayaal waxaan doonayaa in aan isku dayo in aan wax ka barano qaab qoraalka maanta ka hana qaaday gayigeena Soomaaliyeed oo inta wax qorto waxna akhriso ay weli yihiin kuwo aad u yar, hadana intooda badan ku sifoobay in la qoro arimo xaasaasi ah oo keeni kara in ummaddu ay ku noolaato jaha wareer, anshaxa iyo asluubta saxaafadduna ay noqoto mid aaan waafaqsaneyn sharciga Islaamka ee warfidinta (Islamic ethical style of writing). Haddaba anoo soo koobayo fikirkeygan, waxaan jeclahay in aan idinla wadaago afrta nooc ee wax loo qoro, afartaas oo kala ah sidan soo socoto:-

  • Sheeko Afeed ama Qoraaleed (Narrative):Waa qaab qoraal  loo badan yahay in wax lagu qoro waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ama sheekooyinka (fictional stories) kuwaas oo ah kuwo la alifay oo loo ekeysiinayo in ay run yihiin. Inta badan qaab qoraalkan waxaa uu ka hadlaa qofka koowaad sida anigga (“I).
  • Sheeko sharaxeed (Descriptive):Waa qaab qoraal hal abuur ku salaysan kaas oo soo gudbiya masawirka dhabta ah ee dhacdada qoraalka iyo fikradda ay muujionayso. Qaab qoraalkan waxuu abaaraa hal arin iyadoo si faahfaahsan loogu soo bandhigo feker, meel ama qof. Waxuuna ku salaysan yahay dareen sita waaya argnimo soo xasuusisa qofka dhacdada.
  • Sheeko Dhab ah (Expository):Qaab qoraalkan waa mid abaaraya si toos ah dulucda sheekada dhabta ah (to-the-point and factual). Qaab qoraalkan waxuu isgu jiraa mid leh qeexid, tusaaleyn, tilmaan iyo is-barbardhigga iyo ablaableynta fekerka. Qaab qoraalkan waa midka ugu haboon qoraalada ay qoraan ummadda Nabi Muxammed (SAW). Haddii alle iga aqbalo waxaan doonayaa in aan ku soo gubiyo maqaalkan tusmadiisu tahay (DANTA-GAARKA AH & DANTA-GUUD).
  • Sheeko Lagu Qanco (Persuasive): Qaab qoraalkan waa midka ugu adag waxuuna ku salaysan yahay dood furan taasoo qof walba oo ku soo gudbinaayo fekerkiisa gaarka ah ee quseeyo arimaha laga doodayo inay ku saleysan yihiin xaqiiqda, ka dibna siinayo fekerkaas taageerada akhristaha maqaalka ama dooda. Qaab qoraalkan waa mid curis ahaan loo soo gudbimaayo oo ku salaysan sharaxaad dheer in laga bixiyo fekerada kale si looga sal gaaro fekerka saxda ah, isla mar ahaantaana looga tago kan qaldan. Waxaana la isticmaalaa (fact finding missions and/or Statistics).

Hadaba anoo ku soo bandhigayo maqaalkan si  tilmaan iyo tusaaleyn ah, isna barbardhigayo. Waa maxay danta gaarka ah iyo mida guud? ee manta hareysay siyaasadda ummadda Soomaaliyeed:-

Danta gaarka ah waa halaag iyo barakac.

Danta guud waa barwaaqo iyo baraare in lagu wada noolaado.

Danta gaarka ah waa qabyaalad iyo dib u dhaca ummadda Soomaaliyeed.

Danta guud waa iskaashi iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Danta gaarka ah waa isbaaro, dhac iyo boobka ummadda Soomaaliyeed.

Danta guud waa nabadda oo laga wada shaqeeyo lana wada ilaaliyo.

Danta gaarka ah waa kali talisnimo iyo xukunkoo la kufsado.

Danta guud waa madaxdoo loo hogaansamo maamulkooda.

Danta gaarka ah waa golaheena shacabka oo ku dhisan 4.5!

Danta guud waa midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Danta gaarka ah waa shisheeyahoo lagala tashto maslaxada ummadda.

Danta guud waa madax banaanida ummadda Soomaaliyeed.

Danta gaarka ah waa maamul goboleedyo  Federaal ah.

Danta guud waa in la ilaaliyo kheyraadka dalkeena Hooyo.

Danta gaarka ah waa in la xaalufiyo dhirta iyo duur joogta.

Danta guud waa in la ilaaliyo xaduudaha badeena iyo dhulkeena.

Danta gaarka ah waa wax soo saarka dalkoo la curyaamiyo.

Danta guu waa beeraha, xoolahoo la dhaqdo iyo kaluunkoo la jilaabto.

Danta gaarka ah waa ka ganacsiga cunto dhacday iyo daawa dhacday.

Danta guud waa biyo nadiifa iyo hawo nadiifa.

Danta gaarka ah waa cisbitaalo gaar ah iyo dhaqaatiir ka fekera jeebkooda.

Danta guud canshuurta oo la qaado oo si xaq ah loogu dhiso wadanka.

Danta gaarka ah waa hayadaha waxbarasho oon mideysneyn.

Danta guud waa tacliintoo la barto oo dugsiyada la aado.

Danta gaarka ah waa dhulkoo la boobiyo amaankoon la ilaalin.

Danta guud waa hayadaha cadaalada oo loo hogaansanaado.

Danta gaarka ah waa dilka iyo dhaca ummadda Soomaaliyeed

Danta guud waa boliiska iyo hayadaha amaanka oo la xoojiyo.

Waxaa soo Diyaariyey Qoraalkan: Cilmi baare (researcher), ka tirsan Jaamacadda Helsinki. Omar Abdulkadir Abdi (omarbd008@gmail.com).

- Advertisement -

Read more

Local News