26.2 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Deegaan dhaca Mudug oo bacaad uu liqay iyo xaalad adag oo laga soo sheegayo

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Degaanka Kulub ee degmada Jariiban ee gobolka Mudug ayaa waxaa si buuxda u liqay bacaad, kaas oo sababay in dhammaan qoysaskii halkaas ku noolaa ay ka barakacaan.

Dadka deegaankaasi ayaa waxay nolol maalmeedkooda ku tiirsanaayeen kalluumeysiga iyo xoolo-dhaqashada, balse xaaladda cusub ayaa gebi ahaanba curyaamisay noloshoodii.

Kulub oo markii hore ahayd magaalo camiran oo ay ku noolaayeen boqolaal qoys, ayaa haatan lumisay dadkeedii, kadib markii ay si tartiib ah ay ugaa guureen dadkii deganaa.

Bacaadka oo si xawli ah u qabsaday dhulka ayaa hoos u dhigay fursadihii nololeed, waxaana meesha ka baxay dhammaan dhaq-dhaqaaqii bulshada. Deegaankan ayaa muddo dheer ahaa meel muhiim u ah dadka ku tiirsan kalluumaysiga xeebaha iyo xanaanada xoolaha.

Hase yeeshee, isku dhaca deegaanka dabiiciga ah iyo bacaadka ku soo fiday ayaa ka dhigay meel aan sii joogitaan lahayn, iyadoo dhibaato hor leh ay soo wajahday bulshadii halkaasi deganayd.

Qoysaskii ugu dambeeyay ee halkaas ku haray ayaa dhawaan go’aansaday inay isaga guuraan Kulub. Waxa ay isku aruursadeen deegaan aan ka fogeyn halkii ay ka soo barakaceen, balse nolosha cusub ayaa ka adag tii ay ku noolaan jireen.

Dadkaasi barakacay ayaa la sheegaya inay la ildaran yihiin duruufo nololeed oo aad u adag. Waxay la kulmaan hoy la’aan, cunto yari iyo adeegyada aas-aasiga ah oo gebi ahaanba ka maqan. Carruurta iyo haweenka ayaa ah kuwa ugu badan ee dhibaatadu saameysay.

Xaaladdaasi waxay sidoo kale ku reebtay saameyn dhaqaale oo muuqata qoysaskii ku noolaa deegaanka. Dhaqaalaha ka imaan jiray kalluumaysiga iyo xoolaha nool ayaa istaagay, taas oo sii adkaysay nolol-maalmeedka dadka barakacay.

Kulub ayaa haatan u muuqata mid sii baaba’aysa, kadib markii magaalada uu daboolay bacaad, ayna ka barakaceen dadkeedii.

- Advertisement -

Read more

Local News