25.4 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Aadan Madoobe oo 20 xildhibaan ka joojiyey kulamada BF, amarna ku bixiyey in…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xubno ka tirsan Golaha Shacabka ka mamnuucay ka qeybgalka fadhiyada Golaha, sababo la xiriira amniga, sida lagu sheegay warqad caawa ka soo baxday xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe.

Sidoo kale, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa Guddiga Xeerhoosaadka ee Golaha ka codsaday inay soo gudbiyaan talo-bixin iyo tallaabooyin ku habboon xubnahan, si waafaqsan Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

Warqadda uu soo saaray Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa u qorneyd sidan:

UJEEDDO: KA JOOJIN KA QAYBGALKA FADHIYADA GOLAHA – SABABO AMNI DARTOOD

Anigoo tixraacaya warqadda sumadeedu tahay 03882/GSH/XH/B-11/25 ee ka soo baxday Xafiiska Habdhowraha Golaha Shacabka kuna taariikheysan 30/04/2025,

Aniga oo xeerinaya Qodobbada kala ah 14aad, 16aad iyo 28aad ee Xeerhoosaadka Golaha Shacabka, kuwaas oo qeexaya masuuliyadda Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee ku saabsan fulinta iyo dhowrista Xeerhoosaadka, ilaalinta nidaamka iyo habsami u socodka howlaha Golaha sida sharci-dejinta, maamulka iyo hab-maamuuska,

Markuu tixgeliyey Qodobka 4aad faqraddiisa laad, iyo Qodobka 18aad xarfihiisa (a, b) ee Xeerhoosaadka Golaha Shacabka, kuwaas oo waajibinaya in Guddoomiyuhu hubiyo amniga xubnaha Golaha, isla markaana uu qaadi karo tallaabo dheeraad ah haddii loo baahdo, isagoo amraya Habdhowraha in uu qaado tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga iyo badqabka xubnaha Golaha Shacabka.

Haddaba, sababo amni dartood, waxaa la farayaa Habdhowraha Golaha Shacabka in uu ka joojiyo xubnaha Xildhibaannada magacyadoodu hoos ku qoran yihiin ka qeybgalka fadhiyada Golaha Shacabka, ilaa Guddiga Xeerhoosaadka, Dastuurka, Anshaxa iyo Xasaanadda ee Golaha Shacabka ay ka soo saaraan go’aankooda anshax-marineed ee waafaqsan Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

Xubnahaasi waxay kala yihiin:

  1. Xil. Maxamed Deeq Barre Cumar (Fiyoore)
  2. Xil. Saadaam Maxamuud Cabdi (Jubeer)
  3. Xil. Daahir Amiin Jeesow
  4. Xil. Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare)
  5. Xil. Cabdirisaaq Xasan Axmed (Dhookir)
  6. Xil. Maxamed Bashiir Cali (Baxnaan)
  7. Xil. Axmed Maxamuud Jaamac (Buux)
  8. Xil. Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi)
  9. Xil. Saadaq Cabdullaahi Cabdi
  10. Xil. Maxamed Cabdiraxmaan Axmed (Xayle)
  11. Xil. Mowliid Cabdi Maxamuud
  12. Xil. Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug)
  13. Xil. Faysal Axmed Maxamuud (Wahaabi)
  14. Xil. Cali Mahdi Maxamed (Qalato)
  15. Xil. Xasan Cabdinuur Cabdi
  16. Xil. Cabdirashiid Jire Qalinle
  17. Xil. Cabdiraxmaan Axmed Cusmaan (Gurey)
  18. Xil. Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed
  19. Xil. Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur (Illey)
  20. Xil. Cabdirashiid Maxamed Xidig

Wabillahi Towfiiq.

- Advertisement -

Read more

Local News