DEG DEG: Wareegii 1-aad ee codeynta doorashada Puntland oo soo idlaatay

Garoowe (Caasimada Online) Waxaa goordhow xarunta golaha baarlamaanka Puntland ee magaalada Garoowe kusoo geba gebowda codbixintii wareega koowaad ee doorashada madaxweynaha maamulka Puntland oo u taagan yihiin 11-musharrax.

Sida uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Garoowe guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqaya qaabka ay u socoto doorashadda oo codka siinayaa 66 xildhibaan oo ay ku jiraan labo dumar ah.

Ma cadda sidda ay wax noqon karaan iyado cidda ku guuleesanaysa, waxaa goobta ku sugan dhammaan musharrixiinta u taagan doorahadda, wakiilo ka socda beesha caalamka oo u ku jirro danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nichalas Kay iyo ergooyin ka socda dibdda iyo gudaha.

Doorashada ayaa si toos ah loogala socdaa Idaacadaha ku yaalla Puntladn iyo Talafishanada ku hadla Af Soomaaliga iyo Caasimada Online.

Dhinaca kale, waxaa xarunta doorashada ka socota qalqaalo ay wadaan musharrixiinta, waxaana warar lagu kal soon yahay ay sheegayaan in codad lakala iibsanaayo xildhibaannada baarlamaanka.

Kala si toos ah boggeena Caasimada Online oo halkaas ka soo warramaya sida ay wax uga socdaan

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com