26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Faah-Faahin : Ciidamada ammaanka DFS oo xabsiga dhigay Wariyaal lagu eedeeyay in ay kufsadeen gabar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta xabsiga dhigay labo wariye oo u shaqeeya Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho, kuwaasoo la sheegay in ay kufsadeen gabar suxufiyad iyana ah.

Wariyaasha xabsiga loo taxaabay ayaa kala ahaa Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika iyo Sawir Qaade Jibriil.

Ciidamada ammaanka ayaa labadan wariye ka soo qabtay Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho, waxaana ay hadda ku xiran yihiin xarunta dambi baarista ee CID-da sida ay noo sheegeen Wariyaal ay isla shaqeeyaan.

Waxaa kaloo ku xiran xarunta CID-da Gabadhii la kufsaday iyo wariyaha Wareystay kuwaasoo dhowr cisho ay soo xireen ciidamada ammaanka.

Gabadhan ayaa wariyaha la xiran u sheegtay in labo weriye oo hubaysan ay kufsadeen kuwaasoo sharafteeda ay meel uga dhaceen”

Faah-Faahin : Ciidamada ammaanka DFS oo xabsiga dhigay Wariyaal lagu eedeeyay in ay kufsadeen gabar

Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in baaritaan socdo oo wax walba sharciga la waafajin doono

Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya  ayaa codsatay in arrintan baaritaan deg deg ah lagu sameeyo.

Billawgii sannadkan ayaa sidan okale loo xiray gabar sheegtay in la kufsaday iyo welibo weriyihii warkeeda tebiyay balse mar dambe ayaa la sii daayay.

Soomaaliya arrimaha la xiriiro kufsiga ayaa si qarsoodi loo xalliyaa, iyadoo ay naadir tahay in gabdhaha la kufsaday soo shaac bixiyaan dhibaatadooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News