25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

DEG DEG AH: Dab Khasaaro xooggan dhaliyay oo ka kacay Afgooye

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Afgooye (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegay in dab xooggan uu ka kacay caawa fiidkii suuq ku yaalla degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Goobjooge ku sugan Suuqa dabka ka kacay oo u dhow Saldhigga Booliska ayaa noo sheegay in hal qof uu ku dhaawacmay dabka sidoo kale hati badan ay ku baaba’een.

Dabka ayaa la sheegay in uu ka billowday makhaaxi ku tiilay suuqa dabadeedna dukaamo iyo bakhaaro ayuu ku faafay,waxaana markii dambe lagu guuleestay in la damiyo.

“Dabka khasaaro xooggan ayuu geetay, hal qof ayaa ku dhaawacmay, laakin walaal hanti badan ayaa ku baaba’ay mana jirin wax gurmad ah oo aan ka helnay maamulka ama ciidamada AMISOM” ayey tiri gabar la hadashay Idaacadda SIMBA ee magaalada Muqdisho.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dab khasaaro geestay uu ka kaco suuq ku yaalla dalka Soomaaliya, waxaana inta badan loo aaneeyaa dabka noocan oo kale makhaayadaha oo dab looga tago ama koronto si qalad wax ugu dhacaan.

Soomaaliya lagama helo baabuur dab damis ah kuwaasoo mararka ay dhacaan shilalka noocan oo kale wax ka qabtay dhibaatada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News