Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ku hubeysnaa Bastoolada ayaa waxa ay goordhow magaalada Muqdisho ku toogteen Seddex Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowlada.
Dilka Askartaani ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Maqaaxi ku tiilay Isgoyska Ex-control Balcad.
Askartaani la dilay oo watay min Hal qoray ayaa waxaa dilka kadib laga qaatay Hubkii ay wateen, waxa ayna halkaasi u fadhiyeen Qayil.
Ciidamada Dowlada ayaa halkaasi ka fuliyay howlgal lagu soo qabqabtay dhowr dhalinyaro, oo lala xiriirinaayo dilka.
Xaalada goobta uu dilka ka dhacay ayaa hadda ah mid caadi, waxaana halkaasi laga qaaday Meydadka Askartaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]