25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Bandow caawa saaran KISMAAYO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) War hadda soo dhacay, wuxuu sheegayaa in caawa bandow lagu soo rogay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegaya in magaalada caawa ay bandow tahay isla markaana ciidamo fara badan lagu soo daaddiyay.

Magaalada waxaa lagu arkayaa oo gaafwareegaya, waxaana dadka lagu amray in xaafadahooda iyo guryahooda ku sugnaadaan illaa iyo berri.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga sababta keentay in caawa bandow lagu soo rogo magaala xeebeedka Kismaayo, balse saraakiisha ciidamada maamulka KMG ee Jubba oo ka hadlay Radio Kismaayo ku hadasha afka maamulka ayaa shacabka ku nool Kismaayo ugu baaqay inay u hogaansamaan amarka bandowga ah ee ka soo baxay maamulka ee Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

- Advertisement -

Read more

Local News