Muqdisho (Caasimada Online) – Buuqaa xooggan ayaa ka qarxay xarunta baarlamanka Somalia oo maanta uu hor yaallo mooshin la doonayo in codka kalsoonida loogu qaado ra’iisul wasaare Saacid.
Ra’iisul wasaaraha ayaa isku dayay inuu hor tago baarlamanka uuna la hadlo, si uu u difaaco xukuumaddiisa, balse waxaa taas diiday xildhibaanada mooshinka ka keenay.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo ugu cad cad mudanayaasha doonaya in Saacid xilka ka dego, ayaa ku dooday inaysan sharci ahayn in Saacid uu hor yimaado baarlamanka.
Waxa uu ku dooday in haddii ra’iisul wasaaraha uu doonayo inuu is difaaco uu hor taggo maxkamadda sare ee dalka.
Waxaa iyana dhinaca kale ka qeyliyey xildhibaanada taageersan Saacid oo doonayay inuu yimaado madasha kana hadlo, taasi oo isku dhac ka dhex dhalisay labada dhinaca,
Guddoomiyaha baarlamanka Jawaari, ayaa muran kadib go’aan ku gaaray in cod la qaado oo ku aadan in Saacid loo ogolaado inuu ka hor hadlo baarlamanka iyo in kale.
Kadib codkii la qaaday ayaa 149 xildhibaan waxay diideen in Saacid ka hor hadlo baarlamanka, halka 7 ay ogolaadeen, ayada 75 ay ka aamuuseen.
Kadib codkaas, ayaa Jawaari waxa uu ku dhowaaqay in Saacid uusan ka hor hadli doonin baarlamanka.
Wixii kusoo kordha waan idin soo gudbin doonaa Insha allah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]