25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo la wareegay gacan ku heynta Guri-ceel

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Magaalada Gurceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in halkaasi ay dagaal xoogan kula wareegen Ciidamada DF Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay Gacanta ku dhigeen Saldhiga iyo Xarunta Degmada Gurceel oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku jiray gacanta Ciidamada Ahlu sunna.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Maamulka Ahlu sunna ayaa iminka ku dagaalamaya waqooyiga Magaalada Gurceel,waxaana Ahlu suuna ay Ciidamadooda u gurteen dhanka waqooyi ee Magaalada.

Inta la xaqiijiyay Khasaaraha dhimasho ayaa gaaraya ilaa 9 ka kala tirsan dhinacyada dagaalamaayay, halka dhaawacana uu kor usii dhaafayo 12.

Dhanka kale, Magaalada Gurceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa waxaa kusii qulqulaayo Ciidamo militery oo ka tirsan kuwa Dowlada Federaalka oo gurmad u ah kuwa iminka la wareegay Degmada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News