Beledxaawo (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Doolow ayaa amar culus dul-dhigay Cabdirashiid Janan iyo ciidamada dowladda ee haatan ku sugan magaalada Beledxaawo, waxayna u qabteen in muddo saddex cisho ah ay uga baxaan halkaasi, sida uu shaaciyay guddoomiyaha gobolka Gedo.
Cabdullahi Shimbir oo ah guddoomiyaha gobolka, isla markaana taabacsan dowladda federaalka oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay u yeereen odayaasha deegaanka, kadibna ay la wadaageen amarka ay soo saareen ee la dul-dhigay ciidamada dowladda ee deggan xerada UK, isla markaana dhowaan qabsaday Beledxaawo.
“Ciidamada Itoobiya amaro ayay bixiyeen oo ku aadan ciidamada dowladda oo xerada UK deggan iyo madaxda dowladda ee halkaas joogta qaasatan Cabdirashiid Janan waqti ayay qabteen oo saddex berri ah,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Hadda ogow meesha ay waqtiga ku qabanayaan oo ay joogaan waa gobol Soomaali ah meesha ay leeyihiina halaga baxo waa Beledxaawo waddan Itoobiyo ma’ahan”.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusan in arrintan ay u arkaan gar-darro cad, isla markaana aysan aqbali doonin ka maamul ahaan, sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in arrintan ay dhaawaceyso darisnimada iyo xiriirka haatan soo hagaagayo ee dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.
“Arrintaas waxaa u arkaa arrin darisnimada iyo deegaanka wax u dhimeyso weeye,annagu ma rabno dagaa Itoobiyo, gar-darrana ma yeeleyno,” ayuu mar kale yiri.
Dhowaan ayay ahayd markii ciidamada Itoobiya ay weerareen xerada ciidamada NISA ee Doolow, iyaga oo gebi ahaan cagta mariyay, kadibna soo xiray taliyihii xeradaasi, mana jiro illaa iyo war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda federaalka, kuna aadan xadgubka Itoobiya.

