Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa haatan ka socday galbeedka magaalada Gaalkacyo, dagalkaas oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan.
Dagaalka ayaa waxaa la ogeyn cida sida rasmiga ah u bilaawaday balse Sarakiisha Galmudug ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay weerar ku soo qaadeen fariismo dhawaan Puntland laga qabsaday.
Dagaalka ayaa waxaa qeyb ka ah Hoobiyayaal ay ridayaan labada Ciidan, waxaana la sheegayaa in qaarkood ay ku dhacayaan deegaano fog fog.
Hoobiyayaasha qaar ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro xoogan waxaana la sheegayaa in labada dhinac ay ridayaan Hub aad u xoogan.
Si rasmi ah looma oga Khasaaraha ka dhashay dagaalka socda, balse waxaa la rumeysan yahay inuu jiro khasaaro xoogan.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacaayay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]