Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka DF iyo Al-Shabaab oo ka socda gobolka Mudug

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaal u dhexeeya ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka oo is garabsanaya iyo Al-Shabaab ayaa ka socda Koonfurta gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa waxa uu si gaar ah uga socda deeganka Jeex-jeex iyo buurta Yacgoos oo u dhaxeeya magaalooyinka Caad iyo Camaara ee Koofurta gobolka Mudug, xilli gobolka uu ka socda guluf culus oo ka dhan ah kooxda.

Howl-galka ayaa waxaa qaaday ciidanka xoogga iyo xoogagga deegaanka oo is?kaashanaya kadib markii ay heleen xogta maleeshiyaad Shabaab ah oo isku aruursanayay deegaanadaas, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.

Saraakiisha ciidanka ayaa dhankooda warbaahinta qaranka u xaqiijiyey in dagaalka lagu jabiyey kooxda Al-Shabaab, uuna wali uu socdo dagaalka.

Howl-galka ayaa qeyb ka ah halganka sifeynta cadowga ee ka socda Koofurta Mudug oo dhul ballaaran looga xoreeyey kooxda, xilli dhawaan uu bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka.

Maalin kahor ayay aheyd markii ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 24-aad ee Khalid Binu-waliid ay howl-galo lagu guuleytay ka fuliyeen goobo kooxda si dhumaleysi ah ku joogtay, lana wareegeen deegaano cusub.

Howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa dardar xooggan ku billowday mar kale, ayada oo dhawaan la filayo in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu tego furimaha dagaalka, si loo bilaabo wejiga labaad ee dagaalka.