Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta, oo ku bahoobay siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa maanta heshiis ku gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo isku waafaqay hanaanka doorashada.
Bayaan ka soo baxay kulan gaar ah oo dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubnahan mucaaradka ayaa lagu sheegay in dhinacyadu ku heshiiyeen in Baarlamaanka uu doorto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
“Hoggaamiyayaasha iyo ku-xigeennada dowlad-goboleedyada waxaa soo dooranaya golayaasha wakiillada dowlad-goboleedyada,” ayaa lagu yiri bayaanka ay si wadajir ah u soo saareen dowladda iyo xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.
Heshiiskan ayaa sidoo kale qeyb ka ah in magacaabista Ra’iisul Wasaaraha uu leeyahay Madaxweynaha, iyadoo codka kalsoonida u qaadi doono Baarlamaanka, uuna awood u yeelanayo inuu kala laabtana.
Sidoo kale waxaa la isla qaatay in ururradu ay kusoo bixi doonaan tirada xubnaha ay ka helaan Baarlamaanka, taas oo go’aamin doonta inay noqdaan xisbi iyo in kale. Golayaasha deegaanka, Baarlamaanka iyo labada Aqal ayaa noqonaya kuwo loogu tartamo doorasho qof iyo cod ah.
“70% wixii ku jiray cutubkii afaraad waa isla qaadanay. Madaxweynuhu inuu noqdo Madaxweyne Baarlamaanka soo doorto, Ra’iisul Wasaarahana inuu Madaxweynaha magacaabo, awoodda kalsooni siinta iyo ka qaadista inay Baarlamaanka leedahay,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen xukuumadda iyo xubnaha mucaaradka.
Waxa uu intaas ku daray: “Arrintii xisbiyada ee saddexda xisbi la xiray, in laga dhigo xisbiyo ku saleysan nidaamka Threshold illaa 10% la gaarsiiyo si aysan u baahin.”
Sidoo kale waxaa la isla gartay in dib loo soo celiyo nidaamkii baarlamaaniga ahaa ee salka ku hayay heshiiskii Carta, kaas oo qeexaya awood qeybsiga iyo hannaanka lagula xisaabtami karo dowladnimada.
Qodobada Heshiiska:
- Waxaa la isla gartay adkeynta madax-bannaanida iyo midnimada JFS.
- Waxaa la isku raacay in laga wada qeyb qaato xoojinta amniga dalka iyo dadaallada dib u xoreynta deegaannada ay weli ku sugan yihiin khawaarijta.
- Baarlamaanka Federaalka ayaa dooranaya Madaxweynaha JFS, sidoo kale golayaasha wakiillada dowlad-goboleedyada ayaa dooranaya hoggaamiyayaasha iyo hoggaamiye-ku-xigeennada dowlad-goboleedyada.
- Madaxweynaha ayaa leh awoodda uu ku magacaabo Ra’iisul Wasaaraha JFS, iyadoo uu ansixinayo Golaha Shacabka, kalsoonidana kala noqon karo.
- Waxaa la isla gartay in ururkii ka hela ugu yaraan 10% ee xubnaha Baarlamaanka Federaalka noqonayo xisbi qaran.
- Hannaanka doorashada dalka waxaa lagu salaynayaa Xeerka Doorashooyinka 2024, iyadoo la tixgelinayo qodobada war-murtiyeedkan ku xusan.
- Waxaa lagu heshiiyey in si dhakhso ah loo guda galo qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka, dowlad-goboleedyada iyo tan Dowladda Federaalka.
- Waxaa lagu heshiiyey in sida ugu degdegga badan loo dhameystiro cutubyada weli harsan ee Dastuurka Federaalka si loo sugo sharciyadda iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.
- Waxaa la isku raacay in si wadajir ah (muxaafid iyo mucaarad) looga wada qayb qaato geeddi-socodka doorashada tooska ah (qof iyo cod), oo lagu soo dooranayo golayaasha deegaanka, golayaasha wakiillada dowlad-goboleedyada iyo labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka JFS.
Baaq:
- Iyadoo laga ambaqaadayo isfahankan laga gaaray arrimihii lagu kala aragti duwanaa, waxaan ugu baaqeynaa daneeyayaasha siyaasadda in loo midoobo, lagana wada qeyb qaato dhameystirka geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.