26.3 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

DF oo shaacisay magacyada saddex horjooge oo la dilay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin kasoo saartay howl-galladii u dambeeyay ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo shaacisay magacyada saddex horjoogayaal oo la dilay.

Howl-galka koowaad oo ka dhacay wadad isku xirta Garasweyne iyo Moragabey oo 37KM dhanka galbeed uga beegan degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkaas waxaa lagu dilay 5 xubnood oo tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah, waxaayna ciidamada ay gacanta ku dhigeen 2 qori AK-47 ah iyo saanad ciidan oo kale.

Magacyada horjoogayaasha la dilay waxaa ka mid ah: 1- Ibraahim Caliyow Maxamed Macalin, 2- Aadan Maxamed Same iyo 3- Cabdullaahi Aadan Dheere.

Howl-galka labaad oo ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyay ayaa ka dhacay degmada Xarardheere, kaasi oo si toos ah loogu beegsaday maleeshiyaad kooxda ka tirsan oo ku dhuumaaleysanayay tuulada Dumaaye ee gobolka Mudug.

Howl-galkan oo ay fuliyeen Ciifamada Macaawisleyda ee ka howlgala Xarardheere ayaa lagu dilay 6 maleeshiyaad ah, waxaana gacanta lagu soo dhigay hub iyo saanad ay argagixisadu ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah.

Hubka laga soo furtay cadawga, waxaa ka mid ahaa afar qori oo nooca AK-47 ah iyo agab ciidan oo kale, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Dhanka kale, Ciidanka xoogga dalka ayaa fashiliyey weerar naf-la-caari ah oo ay maleeshiyaadka Khawaarijta kusoo qaadeen deegaanka Dabagalo, oo qiyaastii 35 KM dhanka Waqooyi-Galbeed ka xiga Xarardheere.

Ciidanku waxay ka hortageen qorshaha cadowgu soo maleegay ee lagu doonayay in lagu carqaladeeyo nabadgelyada deegaanka.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyntiina bogaadiyay dadaallada joogtada ah ee ciidanka xoogga iyo kuwa Macaawisleyda ee lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha argagixisada.

Waxay mar kalena caddeeyeen inay sii socon doonaan howl-gallada lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab illaa ciidanka xoogga ay xaqiijiyaan in shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan ammaan buuxa iyo xasillooni waarta.

- Advertisement -

Read more

Local News