DEG DEG: DF oo sii daysay xubnihii beesha Waceysle ee la xiray

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Waxaa xoriyadooda dib u helay Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble, ganacsatada Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale, kuwaas oo saacado ku xirnaa Saldhigga Booliska degmada Xamar Weyne, kadib markii ay soo qabteen ciidamada ammaanka.

Masโ€™uuliyiintan, oo ka soo jeeda beesha Waceysle, ayaa lagu qabtay agagaarka Hotel Global ee waqooyiga Muqdisho, halkaas oo uu deggenaa Cali Xaaji Iimaan, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sii deyntooda ayaa timid kadib markii ay soo dhex galeen xubno mucaarad ah oo ay hoggaaminayeen Xildhibaan Ugaas Dhagey Geelle, Senator Dhagdheer, Xildhibaan Yaasiin Farey iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, kuwaas oo lagu sheegay inay kaalin muuqata ku yeesheen damiinta lagu sii daayay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sii daynta uu soo amray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan shirka Qaramada Midoobe ee New York.

Cumar Cali Rooble, Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale ayaa horey uga mid ahaa siyaasiyiinta iyo ganacsatada si adag uga hadlay muranka dhulka Siinaay iyo sida ay dowladdu u maareyneyso. Arbacadii waxay qeyb ka ahaayeen xubnihii mucaaradka ahaa ee rasaasta lagu kala eryay xilli ay ku sugnaayeen Saldhigga degmada Warta Nabadda.

Xarigga iyo sii deyntan degdegga ah ayaa sii hurinaysa xiisadda siyaasadeed ee Muqdisho, xilli mucaaradku ay abaabulayaan bannaanbax ballaaran oo lagu wado inuu qabsoomo Sabtida, kaas oo dowladdu si weyn uga soo horjeedo.

Booliska Soomaaliya ayaa Arbacadii uga digay shacabka in aan loo adeegsan mudaharaadyo lagu carqaladeynayo amniga, iyagoo ku tilmaamay arrimaha socda kuwo u sahli kara maleeshiyaadka argagixisada ah.

Dhanka kale, madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, haatanna ah guddoomiyaha Madasha Samatabixinta Qaranka, ayaa horey u iclaamiyay bannaanbaxyo nabadeed oo dhici doona Sabtida, 27-ka Sebteembar.

โ€œAnagu dagaal ma rabno, xabado ma sidano, cidna dhib kuma nihin. Waxaase garab taaganahay dadka dulman ee Soomaaliyeed,โ€ ayuu yiri Shariif, isagoo shacabka ugu baaqay inay si nabad ah isu soo baxaan.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda Xasan Sheekh inay dhaaftay xuduud sharci, isagoo ku tilmaamay โ€œtuugo u baahan in la hor istaago.โ€

โ€œHaddii aan tuugada la hor istaagin, guryaha ayay noogu imanayaan, sidaan kuma joogsanayaan. Waa in lagu celiyo xadka ay ku jiraan,โ€ ayuu raaciyay.

- Advertisement -

Read more

Local News