Dowladda oo xabsi dhigtay wasiir hore iyo ganacsato ka soo jeeda beesha…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Ciidamada amniga ayaa goordhow oo caawa xiray Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta, Cumar Cali Rooble, iyo ganacsade Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Wararka ayaa sheegaya in dhammaan xubnaha la xiray oo ka soo jeeda Beesha Waceysle lagu qabtay agagaarka Hotel Global, ee Waqooyiga Muqdisho, halkaas oo uu deggenaa ganacsade Cali Xaaji Iimaan.

Cumar Cali Rooble, Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale ayaa ka mid ahaa dadka si weyn uga cabanayay arrinta dhulka Siinaay iyo sida ay dowladdu u maareysay. Shalay ayay qeyb ka ahaayeen xubnihii mucaaradka ee lagu rasaaseeyay saldhigga degmada Wardhiigley.

Xariggan ayaa sii xoojinaya xiisadda ka taagan magaalada Muqdisho, xilli mucaaradku ay abaabulayaan bannaanbax Sabtida dhici doona, kaasi oo dowladdu si weyn uga soo horjeedo.

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Arbacadii uga digay shacabka in loo adeegsado ujeedooyin lagu carqaladeynayo amniga dalka, xilli siyaasiyiinta mucaaradka ay ku dhawaaqeen mudahaaradyo waaweyn oo ka dhici doona magaalada Muqdisho dhamaadka toddobaadkan.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saareen Booliska ayaa lagu yiri โ€œWaxaan shacabka Soomaaliyeed uga digeynaa in aysan ku dhex milmin kooxaha ujeedadoodu tahay in ay carqaladeeyaan amniga, una sahlaan maleeshiyaadka argagixisada ah ee dowladdu dagaalka kula jirto

Dhanka kale, madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, haatanna ah guddoomiyaha Madasha Samatabixinta Qaranka, ayaa horey u iclaamiyay mudahaaradyo nabadeed oo dhici doona Sabtida, 27-ka Sebteembar.

โ€œWaxaan rabnaa in umadda Soomaaliyeed u sheegno, anagu dagaal ma rabno, xabado ma sidano, cid aan dhib ku nahay ma jirto. Waxaase garab taaganahay dadka dulman ee Soomaaliyeed ee aragtaan,โ€ ayuu yiri Shariif.

Wuxuu sheegay in mudahaaradku ka dhici doono saddex goobood oo kala ah Tarbuunka, Siinaay iyo Dayniile, isagoo shacabka ugu baaqay inay si nabad ah isugu soo baxaan.

Shariif ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda Xasan Sheekh inay dhaaftay xuduud sharci, isagoo ku tilmaamay โ€œtuugo u baahan in la hor istaago.โ€

โ€œTuugada haddaadna ka hortagin, guryaha ayay noogu imanayaan, kuma joogsanayaan sidan. Waa in lagu celiyo xadkoodii,โ€ ayuu raaciyay.

- Advertisement -

Read more

Local News