Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Xildhibaanno, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qaybgalay soo dhaweynta ballaaran ee loo sameeyay madaxweyne hore ee Farmaajo.
Soo laabashada Farmaajo ayaa horay loo sii oogaa, waxaana soo dhaweyntiisa loo xil saaray guddi gaar ah, si loo maamuso, maadaama uu yahay madaxweyne dalka soo hoggaamiyay.
Farmaajo oo in muddo ah dibad joog ayaa ayaa ayaa soo laabashadiisa waxay dhalisay hadal heyn xoogan, iyada oo siyaabo kala duwan looga falceliyay.
Sidoo kale, imaashaha madaxweynihii hore ee dalka ayaa la xiriirta soo guryo noqosho iyo arrimaha siyaasadda, maadaama la galayo doorashooyin adag oo dhawaan bilaaban doono.
Magaalada Muqdisho ayaa u muuqaneyso in haatan ay gadleyso marxalad cusub, waxaana kusoo qulqulaya siyaasiyiintii ugu badneyd oo jilib culus ah, kuwaas oo uu I hanqal taagaya qabashada xilka madaxweynaha.
Waxaa kale oo jirta in la dhisay ururradii ugu badnaa iyo isbahaysiyo cusub, si loolan ula galaan madaxda Villa Soomaaliya iyo kuwa maamullada oo iyana sameystay hal xisbi wayn oo ay ku mideysan yihiin.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo cakiran, waxaana la’isku hayaa doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay qorsheyneyso Villa Soomaaliya, ayan diidan yihiin mucaaradka iyo labada dowlad-goboleed ee Jubbaland iyo Puntland.

