26.2 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo iska casilay xilkii maxkamadda ICJ

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hague (Caasimada Online) – Garsooraha caanka ah ee Soomaaliyeed, Cabdulqawi Axmed Yuusuf, ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagayo xilka Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ) laga bilaabo 30-ka Sebtembar 2025, in kasta oo muddo xileedkiisu si rasmi ah ku ekaan lahaa 5-ta Febraayo 2027.

Bayaan rasmi ah ee ka soo baxay ICJ ayaa lagu yiri: “Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf wuxuu iska casilayaa xilka Xubinimada Maxkamadda laga bilaabo 30 September 2025.”

Garsoore Cabdulqawi ayaa markii ugu horreysay loo doortay ICJ 6-da Febraayo 2009, waxaana dib loo doortay sannadkii 2018. Wuxuu sidoo kale soo noqday Madaxweyne ku-xigeenka Maxkamadda intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2018, kaddibna wuxuu noqday Madaxweynaha Maxkamadda intii u dhaxaysay 2018 ilaa 2021—wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee xilkan qabta, sidoo kalena wuxuu ka mid ahaa dhawrka qof ee Afrikaanka ah ee xilka madaxnimo maray.

Sida uu qabo Qodobka 14-aad ee Axdiga Maxkamadda, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go’aamin doona taariikhda la qaban doono doorashada beddelkiisa, iyadoo Golaha Guud iyo Golaha Ammaanka ay si wadajir ah u dooran doonaan xubin cusub. Sida uu qabo Qodobka 15-aad, xubinta cusub ee la doorto waxay dhammeysan doontaa xilka harsan ee Garsoore Cabdulqawi.

Garsoore Cabdulqawi wuxuu Maxkamadda ICJ ka tirsanaa muddo 16 sano ah, wuxuuna si weyn loogu tixgeliyaa khabiir heer caalami ah oo ku xeel dheer xeerarka caalamiga ah, xuquuqda aadanaha, iyo cadaaladda caalamiga ah.

 Kahor intii uusan ICJ ku biirin, wuxuu xilal sare ka soo qabtay hay’adaha Qaramada Midoobay sida UNESCO iyo UNCTAD, wuxuuna ka mid ahaa aasaasayaashii Machadka Afrika ee Xeerka Caalamiga ah.

Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ku taal magaalada Hague, waa hay’adda garsoor ee ugu sarreysa ee Qaramada Midoobay. Waxaa la aasaasay 1945, waxayna ka kooban 15 garsoore oo loo doorto muddo sagaal sano ah, si ay u xalliyaan khilaafaadka u dhexeeya dowladaha iyo u bixiyaan talo sharciyeedyo ku saabsan su’aalaha uu u gudbiyo Golaha Guud ama hay’adaha Qaramada Midoobay.

Is-casilaadda Garsoore Cabdulqawi waxaa loo arkaa dhacdo muhiim ah oo saamayn ku yeelan doonta matalaadda Afrika ee garsoorka caalamiga ah. Wuxuu ka tagayaa dhaxal muuqda oo ku saabsan sare u qaadista doorka xeerka caalamiga ah iyo horumarinta sinnaanta iyo cadaaladda dunida.

- Advertisement -

Read more

Local News