Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow soo idlaaday Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Guddoonka Aqalka Sare.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ayaa waxaa loo doortay Abshir Bukhaari, kadib markii uu ka guuleystay Musharaxii uu la tartamayay.
Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ayaa waxaa loo doortay Abshir Bukhaari oo helay Codad dhan 30 cod halka Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) oo la tartamayay uu helay codadka 22.
Tirinta Codadka kadib Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa sheegay in Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare loo doortay Xildhibaan Abshir Bukhaari.
Dhinaca kale, Guddiga ayaa sheegay in Howlaha Guddoonka Aqalka Sare uu noqon doona mid si dhaqsi ah ku bilaaban doona maadaama Xildhibaanadu ay yihiin kuwo isaga dhow kuwa Baarlamaanka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com