Muqdisho (Caasimada Online) – Hoobiyayaal dhowr ah ayaa goordhow ku hoobtay Villa Somalia kuwaasi oo u dhexeeyay qadaro kooban, waxaana lasoo warinayaa in qaarkood ay ku dhaceen Madaxtooyada, halka qaarna ay ku dhaceen hareeraha.
Hoobiyayaasha oo gaaraya ilaa 5 xabo ayaa waxaan la garaneynin halka laga soo tuuray, inkastoo Saraakiisha qaar ay sheegayaan in laga soo tuuray meel aan sidaa uga sii fogeyn Villa Somalia.
Hoobiyayaasha oo ku hoobanaayay Villa Somalia ayaa waxaa ka dhashay dhaawac farabadan, waxa ayna goobjoogayaal kusoo waramayaan in dadka ku dhaawacmay Hoobiyayaasha uu kamid ahaa mid kamid ah darawalada kaxeeya gaadiidka la socda Ra’isul wasaaraha Somalia iyo kuwo kale oo la sheegay inay ka tirsan yihiin qeybaha nadaafada Villa Somalia, sida ay xogtu nagu soo gaareyso.
Sidoo kale, qaar kamid ah Hoobiyayaasha oo u gudbay Xaafadaha ku dhow dhow Villa Somalia ayaa waxa uu dilay ilaa 4 ruux oo kasoo jeeda hal qoys.
Dadka ay Hoobiyayaasha waxyeelada kasoo gaartay ayaa waxaa gurmad u fidiyay Ciidamada Booliska oo ula cararay dhanka Isbitaal Madiina.
Hoobiyayaasha kadib ayay ciidamada amaanka xireen gabi ahaan wadooyinka gala Villa Somalia, waxaana hareeraha Villa Somalia lagu daadiyay Ciidamo farabadan.
Geesta kale, waxaa xusid mudan in Madaxtooyada Somalia xiliyada la duqeeyo uu mar waliba ka maqanyahay Madaxweynaha Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]