Kampala (Caasimada Online) – Ugu yaraan 63 qof ayaa dhintay ka dib markii dhowr baabuur ay shil ku galeen waddo weyn oo ku taal galbeedka dalka Uganda, sida ay saaka sheegeen Booliisku.
Labo bas oo ku safrayay jihooyin iska soo horjeeda ayaa “isku dhacay” iyaga oo isku dayaya in ay dhaafaan labo baabuur oo kale oo marayey Waddada Kampala-Gulu 00:15 wakhtiga maxaliga ah (21:15 GMT), sida ay sheegeen Ciidanka Booliiska Uganda.
Mid ka mid ah baska ayaa leexday isagoo isku dayaya inuusan shil gelin, balse markii ay arrintu socotay waxa uu sababay “isku dhac madaxa iyo dhinaca ah” kaas oo sababay dhowr shil, oo gawaadhida kale ay is xakameyn waayeen isla markaana rogmadeen.
Sidoo kale shilkan ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen dad rakaab ah oo la socday gaadiidka iyo dad kale, sida ay booliisku sheegeen, waxaana la bilaabay baaritaan.
Waxaa sidoo kale haatan socda baaritaanno dheeraad ah oo ay wadaan ciidamada Booliska oo ku aadan sida ay wax u dhaceen, iyaga oo buux dhaafiyay goobta uu shulka ka dhacay.
Dhanka kale, dowladda ayaa la filayaa inay war rasmi ah kasoo saarto dhacdadaan, kadib marka ay soo dhammaadaan baaritaannada socda.