Los Angels (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amray in Ciidanka Ilaalada Qaranka (National Guard) loo diro magaalada Los Angeles oo ay ka socdaan rabshado, tallaabo dhif ah oo lagu wado inay dhacdo Axadda maanta, inkasta oo uu si cad uga horyimid barasaabka gobolka California.
Go’aankan ayaa yimid kadib mudaharaadyo rabshado wata oo lagaga soo horjeeday howlgalada socdaalka ee lagu bartilmaameedsanayo dadka aan sharciga haysan.
Trump ayaa la wareegay awoodda federaalka ee ciidamada gobolka si uu ugu suurtageliyo in askarta la geeyo magaalada labaad ee ugu weyn Mareykanka, arrin ay warbaahinta Mareykanka ku tilmaantay mid aan dalka laga arkin tan iyo tobannaan sano. Guddoomiyaha gobolka California, Gavin Newsom, ayaa go’aanka ku sifeeyay mid “si ula kac ah u hurinaya xiisadda.”
Tallaabadan ayaa timid kadib laba maalmood oo ay jireen isku dhacyo u dhaxeeyay ciidamada federaalka iyo dad mudaharaadaya, kuwaas oo ka careysnaa xarigga muhaajiriin badan oo lagu qabtay magaalada ay ku badan yihiin dadka asalkoodu Latino yahay.
“Annaga ayey nagu tahay inaan u istaagno dadkeenna,” ayay tiri haweeney Los Angeles degan, oo aan rabin in magaceeda la shaaciyo, iyadoo xustay in waalidiinteed yihiin muhaajiriin.
“Haddii nala dhaawaco, haddii nala gubiyo ama nala sumeeyo, kama noqonayno. Waxa kaliya ee nagu haray waa codkeenna,” ayay u sheegtay AFP iyadoo nalalka xaaladda deg-degga ahi ka ifayeen meel u dhow.
Sawir-qaade AFP ah ayaa arkay dab iyo bambooyin inta lagu guda jiray isku dhacyada, halkaas oo qof sitay calanka Mexico uu istaagay agagaarka baabuur gubtay oo lagu qoray farriin ka dhan ah Hay’adda Socdaalka iyo Fulinta Sharciga (ICE).
Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in “Madaxweyne Trump uu saxiixay amar madaxweyne oo lagu dirayo 2,000 oo askari si ay u xakameeyaan xadgudubka sharci ee si sahlan loogu dulqaadanayay,” iyadoo eedda dusha uga tuurtay madaxda Dimoqraadiga ee California oo ay ku tilmaantay kuwo “karti darran.”
“Maamulka Trump waxa uu leeyahay siyaasad eber dulqaad ah marka la eego dambiyada iyo rabshadaha, gaar ahaan kuwa lala beegsado saraakiisha fulinaya waajibaadkooda,” ayay raacisay.
Trump ayaa habeenkii Sabtida, wax yar ka hor saqda dhexe, bartiisa Truth Social ku bogaadiyay Ciidanka Qaranka isagoo sheegay inay “si heer sare ah shaqadooda u gutaan.”
Hase yeeshee, Duqa Magaalada Los Angeles Karen Bass ayaa ku sheegtay barteeda X (hore Twitter) in ciidamada wali aan la geyn magaalada, iyadoo weriyeyaasha aysan illaa iyo haatan arkin wax ciidan ah oo dhulka jooga.
Trump ayaa dhaleeceeyay Bass iyo Newsom, isagoo qoraalkiisa ku sheegay inaysan “lahayn karti ay ku xalliyaan xaaladda,” isla markaana tusaale u soo qaatay dabkii dhimashada lahaa ee magaalada ku dhufay bishii Janaayo.
– Tallaabo xiisad hurineysa –
Ciidanka Ilaalada Qaranka Mareykanka, oo ah ciidan kayd ah, waxaa inta badan loo adeegsadaa xaaladaha musiibooyinka dabiiciga ah, sida dabkii LA ka kacay, ama mararka qaar marka ay dhacaan rabshado gudaha ah. Hase yeeshee, xaaladahaas waxaa guud ahaan lala kaashadaa madaxda deegaanka.
Barasaabka California ayaa si kulul uga hor yimid go’aanka Trump, isagoo sheegay in uu yahay “mid si ula kac ah u hurinaya xiisadda oo kordhin kara gacan-ka-hadalka.”
“Dowladda federaalka waxay rabtaa muuqaal rabshado wata. Ha siinina. Ha isticmaalina rabshad. U hadla si nabad ah,” ayuu Newsom ku yiri bartiisa X.
Wasiirka Gaashaandhigga Trump, Pete Hegseth, ayaa isna ku hanjabay in ciidanka rasmiga ah ee ku sugan xerada Camp Pendleton la hawlgelin doono haddii rabshaduhu sii socdaan.
“Haddii rabshaduhu sii socdaan, ciidanka badda ee Marines ee Camp Pendleton waa diyaar, waxayna ku jiraan feejignaan sare,” ayuu ku qoray baraha bulshada.
Professor Jessica Levinson, oo ah khabiir sharciyeed, ayaa sheegtay in hanjabaadda Hegseth ay u muuqato mid astaamo muujineysa maadaama ay jiraan xadidaad sharciyeed oo guud ahaan ka mamnuucaya adeegsiga ciidanka rasmiga ah ee Mareykanka gudaha dalka haddii aysan jirin kacdoon.
“Ciidanka Qaranku waxa ay samayn karaan ugu badnaan taageero dhanka qalabka iyo shaqaalaha,” ayay tiri Levinson.
– Howlgallada ICE –
Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Janaayo, Trump wuxuu ballanqaaday inuu si adag u wajahayo dadka sharci-darrada ku jooga Mareykanka, kuwaasoo uu marar badan ku sifeeyay “makhluuqyo” iyo “xayawaan.”
Wasaaradda Ammaanka Gudaha ayaa sheegtay in howlgaladii ICE ee toddobaadkan ka dhacay Los Angeles ay horseedeen xarigga “118 qof oo shisheeye ah, oo ay ku jiraan shan xubnood oo burcad ah.”
Iskahorimaadkii ugu weynaa ee Sabtidii ayaa ka dhacay xaafadda Paramount, halkaasoo mudaharaadayaal ay isugu tageen xarun la tuhunsanaa inay ahayd mid uu isticmaalayay maamulka federaalka, sida uu sheegay duqa deegaankaasi.
Shaqaalaha socdaalka oo wejiyada qarsaday oo hubeysan ayaa Jimcihii qaaday weerarro lagu bartilmaameedsaday goobo shaqo oo kala duwan oo magaalada ku yaalla, taasoo keentay caro dadweyne iyo is-hor istaagyo saacado socday.
Fernando Delgado, oo 24 jir ah, ayaa sheegay in howlgaladaasi yihiin “cadaalad-darro,” isagoo xusay in dadka la xiray ay yihiin “dad bani’aadam ah sida qof walba oo kale.”
“Annagu waxaan nahay Spanish, waxaan caawinaa bulshada, waxaan qabanaa shaqooyinka dadka kale aysan rabin,” ayuu u sheegay AFP.
Duqa magaalada Los Angeles, Bass ayaa qirtay in dad badan oo deggan Los Angeles ay dareemayaan “cabsi” kadib howlgalada socdaalka ee dowladda dhexe.
“Qof walba wuxuu xaq u leeyahay in uu si nabad ah u mudaharaado, balse aan caddeeyo: rabshad iyo burbur lama aqbali karo, cid kasta oo ka dambeysaana waa lala xisaabtami doonaa,” ayay tiri Bass.
Ku-xigeenka Agaasimaha FBI, Dan Bongino, ayaa sheegay in dad badan la xiray kadib rabshadihii dhacay Jimcaha.
“Sharciga iyo kala dambeynta baa guuleysan doona,” ayuu ku qoray bartiisa X.