Tehran (Caasimada Online) – Qaraxyo xooggan ayaa gilgilay magaalada Tehran aroortii saaka oo Jimce ah, iyadoo wasiirka difaaca Israa’iil uu xaqiijiyay in diyaaradaha dagaalka ee dalkiisa ay weerar ku qaadeen Iran.
Tallaabadan ayaa hubanti ah in ay horseedi doonto in dagaal buuxa uu ka dhex qarxo labada ciidan ee ugu awoodda badan Bariga Dhexe.
Cabbirka weerarka iyo khasaaraha ka dhashay weli si rasmi ah looma caddeyn. Si kastaba, waxaa la filayaa in Iran ay si degdeg ah uga falceliso, iyadoo la tuhunsan yahay inay qaadayso weerar ballaaran oo gantaallo ballistic ah.
Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa weerarka ku tilmaamay “tallaabo isdifaac ah oo hore loo qaaday” (pre-emptive strike), wuxuuna ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo gaar ah guud ahaan Israa’iil.
Waxa uu intaa ku daray in weerar-celis la filayo “waqti dhow.” Qaylo-dhaan ayaa laga maqlay magaalada Qudus iyo magaalooyin kale ee Israel.
Dadka degan Tehran, caasimadda Iran, ayaa sheegay inay maqleen qaraxyo waaweyn, halka sarkaal sare oo Iiraani ah uu sheegay in diyaarado dagaal ay hawada sare u kaceen si ay u daba galaan diyaaradaha Israa’iil.
Mohammad Jamali, oo taagnaa saqafka dhisme ku yaalla agagaarka harada Chitgar, ayaa arkay labo diyaaradood oo si xawli ah u duulaya kuna wajahan saldhigyo ciidan. “Waxaan arkayaa laba holac weyn iyo uuro ka kacaysa laba saldhig ciidan oo ku yaalla bariga Tehran,” ayuu yiri.
Weerarka ayaa yimid iyadoo Mareykanka uu hoggaaminayo dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu gaaro heshiis Tehran la galo, kaas oo xaddidaya awoodda Iran ee wax-soo-saarka hubka nukliyeerka.
Waxa uu sidoo kale dhacay maalin kadib markii Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomikada (IAEA) ay cambaareysay Iran, iyadoo ku eedeysay inay ka leexatay waajibaadkeeda la xiriira xakamaynta fidinta hubka nukliyeerka.
Weerarka Israa’iil ayaa sidoo kale ka dambeeyay bilooyin khilaaf ah oo u dhexeeyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo ku saabsan sida loo wajahayo Iran. Netanyahu ayaa muddo dheer u ololeynayay in lagu xakameeyo barnaamijka nukliyeerka Iran hab militari
Khamiistii, Trump wuxuu mar kale sheegay inuusan dooneyn in Israa’iil ay weerar qaaddo, isagoo ku adkaystay in tallaabadaas ay wiiqi karto fursadaha xalka diblomaasiyadeed.
“Waxaan u maleynayaa in arrintaasi ay fashilin karto heshiiska,” ayuu yiri, inkasta oo uu hadalkiisa ku daray inuu ogyahay in weerarku “xitaa caawin karo, laakiin sidoo kale burburin karo.”
Bilo kahor, Trump wuxuu diiday qorshe ay Israa’iil ku dooneyso inay Iran ku weerarto, isagoo sheegay inuu doonayo in uu helo fursad wadahadal. Laba toddobaad kahor, wuxuu Netanyahu uga digay in uusan qaadin weerar inta Mareykanku uu wada xaajood kula jiro Tehran.
Si kastaba, wadahadalladii ayaa todobaadyadii u dambeeyay istaagay, mana cadda heerka dadaalka uu Trump geliyay si loo hor istaago weerarkan ugu dambeeyay.
Weerarku ma noqon mid lama filaan ah.
Sanadkii hore, Israa’iil waxay si xooggan u beegsatay nidaamka difaaca cirka ee Iran, iyadoo muddo bilo ah qorsheynaysay inay ka faa’iideysato daciifnimadaas si ay u qaaddo weerarro dheeraad ah.
Iyadoo la filayo xiisad sii fida, Mareykanka wuxuu Arbacadii kala baxay diblomaasiyiinta ku sugan Ciraaq, wuxuuna oggolaaday in si ikhtiyaari ah ay u baxaan qoysaska askarta Mareykanka ee ku sugan dalalka kale ee Bariga Dhexe.
Weerarkan ayaa ka mid ah tallaabooyinka ugu cadcad ee toos ah ee la qaaday tan iyo markii uu billowday dagaalka qotada dheer ee qarsoodiga ah ee u dhexeeya Israa’iil iyo Iran, taasoo horey u ahaan jirtay mid aan si rasmi ah loo shaacin.
Iran muddo dheer waxay taageertay kooxo hubeysan oo kasoo horjeeda jiritaanka Israa’iil, waxaana lagu eedeeyaa inay weerarro qarsoodi ah ku qaaday danaha iyo kaabeyaasha Israa’iil.
Dhanka kale, Israa’iil oo la rumeysan yahay inay tahay waddanka keliya ee haysta hub nukliyeer ah ee Bariga Dhexe, waxay Iran u aragtaa khatar jiritaankeeda ku ah, waxaana ay muddo dheer wadaysay weerarro sirdoon oo lagu beegsanayo barnaamijka nukliyeerka Iran, saynisyahanno iyo xarumo muhiim ah.
Dagaalka hoos u socday ayaa si buuxda u banaanbaxay kadib weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023, taasoo horseeday dagaalka Gaza iyo iskahorimaad ballaaran oo gobolka ah oo u dhexeeya Israa’iil iyo xulafada Iran, oo ay ka mid yihiin Xisbullah ee Lubnaan, kooxo hubeysan oo ka jira Ciraaq, iyo Xuutiyiinta Yemen.
Weerarkii Israa’iil ay bishii Abriil 2024 ku qaadday xarun ay Iran maamusho oo ku taalla Suuriya ayaa sababay in Tehran ay si toos ah ugu jawaabto duqeyn ballaaran oo gantaallo ah.
Iran ayaa weerar la mid ah qaaday dhamaadkii sanadkii hore kadib markii Israa’iil ay dishay Ismaaciil Haniyeh, hoggaamiyaha Xamaas, xilli uu booqasho ku joogay Iran, iyadoo sidoo kale Israel ay dishay Xasan Nasrallah, hoggaamiyaha Xisbullah.