Tehran (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, ayaa hadda la taliyeyaashiisa iyo taliyeyaasha ciidamada la hadla isagoo isticmaalaya kaaliye uu si buuxda ugu kalsoon yahay, Sida ay New York Times u sheegeen saddex sarkaal oo Iiraani, kuwaas oo si dhow ula socda qorshayaashiisa degdegga ah ee dagaalka. Tallaabadan ayaa lagu macneeyay mid looga gaashaamanayo isku day dil, iyadoo gabi ahaanba la joojiyay isgaarsiinta elektarooniga ah si ay u adkaato in la helo goobta uu ku sugan yahay.
Ayatollah Cali Khamenei, oo ku jira qol difaac adag oo dhulka hoostiisa ah (bunker), ayaa si taxaddar leh u magacaabay shaqsiyaad kala duwan oo beddeli doona silsiladda hoggaanka ciidankiisa, haddii ay dhacdo in la dilo saraakiil kale, iyada oo mas’uuliyiintu sheegeen in uu sidoo kale magacaabay saddex wadaad oo sare kuwaasoo uu xusay in loo dooran karo beddelkiisa haddii uu isagu dhinto—arrin muujinaysa culeyska iyo xaaladda adag ee hoggaamintiisu wajahayso.
Tan iyo markii Israel ay Jimcihii 13-kii June ay billowday weerarro lama filaan ah, Ayatollah Khamenei wuxuu qaaday tallaabooyin aan horay loo arag si uu u ilaaliyo jiritaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.
Inkasta oo dagaalku socdo toddobaad keliya, weerarrada Israel ayaa noqday kuwa ugu xooggan ee lagu qaado Iran tan iyo dagaalkii Iran iyo Ciraaq ee 1980-meeyadii. Waxa ay si gaar ah u saameeyeen caasimadda Tehran oo ay ka dhigeen meel si daran loo beegsaday. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in waxyeellada Israel ka geysatay Tehran maalmo gudahood ay ka weyntahay middii Saddam Hussein geystay siddeed sano oo dagaal ah.
Iiraan waxay u muuqataa inay ka soo kabsatay naxdintii bilowga ahayd, iyadoo dib isku abaabushay si ay u qaaddo weerarro celis ah oo maalinle ah oo ay ku hayso Israa’iil, iyadoo beegsatay isbitaallo, warshadda sifaynta saliidda ee Haifa, goobo cibaado iyo guryo rayid ah.
Sida ay sheegayaan saraakiisha Iiraan, kuwaas oo codsaday inaan la magacaabin sababtoo ah looma ogolayn inay si furan uga hadlaan qorshaha Ayatollah, saraakiisha sarsare ee Iiraan waxa ay sidoo kale si aamusnaan ah ugu diyaar garoobayaan noocyo kala duwan oo natiijooyin ah iyadoo dagaalku sii xoogaysanayo iyo iyadoo Madaxweyne Trump uu ka fekerayo inuu dagaalka soo galo.
Awoodda Iiraan oo wali shaqaynaysa
Inkasta oo uu adagtahay in si toos ah loo fahmo waxa ka socda gudaha hoggaanka Iran, haddana ilo-wareedyo iyo diblomaasiyiin ku sugan Tehran ayaa sheegaya in silsiladdii amarka dowladdu ay wali shaqaynayso, inkasta oo lagu dhuftay dhaawacyo halis ah. Ilaa hadda, ma jiraan calaamado muujinaya khilaaf ama kala qaybsanaan siyaasadeed oo ka dhex muuqda maamulka.
Ayatollah Khamenei, oo 86 sano jir ah, waxa uu si buuxda uga warqabaa in Israel ama Mareykanku isku dayi karaan in ay dilaan—arrin uu isagu u arko shahidnimo haddii ay dhacdo. Sidaas darteed, waxa uu amray Golaha Khubarada (Assembly of Experts) ee magacaaba hoggaamiyaha sare, inay si degdeg ah mid ka mid ah saddexda musharrax ee uu magacaabay uga doortaan beddelkiisa haddii loo baahdo.
Saddexda musharax ayaa ah kuwa sir ah, oo aan magacyadooda la hayn sababo amni dartood.
Caadi ahaan, doorashada hoggaamiye cusub waxay qaadan kartaa bilo, iyadoo wadaaddada sare ay ka doortaan magacyo kala duwan. Balse iyadoo Iran ay haatan dagaal ku jirto, Khamenei wuxuu doonayaa in isbeddelka hoggaanka uu noqdo mid degdeg ah oo nidaamsan si uu u xaqiijiyo dhaxal uu ka tago.
“Mudnaanta ugu weyn ee ay Iran leedahay waqtigan waa badbaadinta nidaamka dawliga ah,” ayuu yiri Vali Nasr, khabiir ku takhasusay arrimaha Iran kana tirsan Jaamacadda Johns Hopkins. “Go’aannada hadda la qaadanayo waa kuwo xisaabsan oo ku dhisan dan qaran.”
Mawduuca beddelka Ayatollah Khamenei waxa uu muddo dheer ahaa arrin xasaasi ah, marar dhif ahna si fagaare ah ayaa looga hadlaa. Hoggaamiyaha sare ee Iran waxa uu leeyahay awood buuxda oo ka saameyn badan qeybaha sharci-dejinta, garsoorka, fulinta, iyo sidoo kale hoggaanka ugu sarreeya ee ciidamada qalabka sida. Waxa uu sidoo kale yahay Vali Faqih—ilaaliyaha ugu sarreeya ee madhabta Shiicada.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in wiilkiisa Mojtaba Khamenei, oo xiriir dhow la leh Ilaalada Kacaanka (Islamic Revolutionary Guards Corps), uusan ka mid ahayn musharraxiinta. Madaxweynihii hore ee ra’yi xagjirka ahaa, Ibrahim Raisi, oo horey loogu saadaalinayay in uu beddeli karo Khamenei, ayaa ku dhintay shil diyaaradeed sanadkii 2024.
Tan iyo markii uu dagaalku bilowday, Khamenei wuxuu laba jeer muuqaal duuban kula hadlay shacabka isaga oo fadhiyay xafiis la shaashadeeyay, calanka Iran-na dhinac yaal. “Shacabka Iran marna ma aqbali doonaan dagaal lagu soo rogay,” ayuu yiri isagoo ballan qaaday inaan la is dhiibayn.
Isagoo caadi ahaan ku nool xarun si weyn loo ilaaliyo oo ku taalla bartamaha Tehran lana yiraahdo Beit Rahbari (Guriga Hoggaamiyaha), Khamenei ma bixi karo marar badan, waxaana saraakiisha sare ay ugu yimaadaan kulammo toddobaadle ah.
Haddana, u guuristiisa god-hoostiisa waxay muujinaysaa sida ay Tehran ugu jirto xaalad dagaal oo dhab ah, taasoo mas’uuliyiinta Iran ku tilmaameen mid ka dhacaysa laba jiho.
Iiraan oo ku jirta dagaal laba jiho ah
Jiho kowaad waa weerarada cirka ah ee Israel ku qaadday saldhigyada milatari, xarumaha nukliyeerka, kaabayaal tamareed, iyo xitaa saynisyahano iyo saraakiil lagu dilay guryahooda ku yaalla xaafado ciriiri ah. Taliyayaal badan oo sare ayaa hal mar lagu laayay.
Boqolaal qof ayaa la dilay kumannaan kalena waa dhaawacmeen—rayid ayaana lagu laayay guud ahaan dalka, sida ay sheegayaan kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ee gudaha iyo dibadda.
Dhinaca kale, Iran waxay sheegtay in dagaal labaad uu ka socda gudaha dalka, iyadoo howlgalayaal Israeli ah iyo la-hawlgalayaal kuwa maxalli ah ay qaraxyo iyo diyaarad-drones ah la beegsanayaan xarumo muhiim ah. Cabsi xoog leh oo laga qabo in la dhexgalay hay’adaha amniga iyo sirdoonka ayaa gaartay ilaa xafiiska Khamenei.
“Waa cadahay in ay naga dhacday jab amni iyo sirdoon aad u weyn—taasi lama dafiri karo,” ayuu yiri Mahdi Mohammadi, la-taliye sare oo u dhow guddoomiyaha baarlamaanka, Gen. Mohammad Ghalibaf, isagoo ku hadlayay duubis uu falanqaynayay dagaalka. “Taliyayaashayadii ugu sareeyay waxa la wada laayay muddo saacad gudaheed ah.”
Wuxuu intaas ku daray in guuldarradii ugu weynayd ay ahayd in aan la ogaan qorshaha dheer ee Israel ku soo gelisay gantaallada iyo qalabka drones-ka ee lagu qaaday dalka.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in Iran ay hadda diiradda saaraysay saddex arrimood oo muhiim ah: isku day dilka Ayatollah Khamenei, suuragalnimada Maraykanka oo dagaalka ku soo biiro, iyo weerarro ba’an oo lagu beegsanayo kaabeyaasha muhiimka ah sida warshadaha tamarta, saliidda, gaaska iyo biyo-xireennada.
Haddii Mareykanku ku biiro dagaalka, khatarta waxa ay noqonaysaa mid aad u sareysa. Inkasta oo Israel ay sheegtay in ay doonayso burburinta barnaamijka nukliyeerka Iran, haddana khubaradu waxay sheegeen in keliya Mareykanka uu leeyahay diyaarado iyo bambooyin miisaankoodu gaarayo 30,000 rodol kuwaasoo gaari kara godadka buuraleyda ee xarunta ugu muhiimsan ee Fordo.
Iran waxay ku hanjabtay inay beegsan doonto bartilmaameedyo Mareykan ah oo ku sugan gobolka, balse arrintaasi waxay u horseedi kartaa dagaal sii fida oo masiibo kale u keena Iran iyo cidda ay la dagaallamayso.
Cabsida dilka iyo basaasnimada ayaa gaartay heer ay Wasaaradda Sirdoonka Iran ku dhawaaqday amarro cusub, oo ay ku jirto in la joojiyo isticmaalka telefoonada iyo qalabka elektaroonigga ah. Waxa kale oo la faray dhammaan saraakiisha sare ee dowladda iyo ciidamada in ay ka shaqeeyaan god-hoosaadyo.
Maalin kasta, Wasaaradda Sirdoonka ama Ciidanka Qalabka Sida waxay soo saaraan digniino dadweynaha lagu wargelinayo in ay soo sheegaan qof ama gaari looga shakiyo, isla markaana laga fogaado sawiridda ama duubista weerarrada ka dhacaya goobaha xasaasiga ah.