28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo amar cusub dul dhigay iskuullada Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta soo saaray amar culus oo ku socda iskuulada ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho, isla markaana la xiriira kor u qaadida waddaniyada iyo in lagu tarbiyeeyo jiilka soo baxaya, gaar ahaan ardeyda.

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir oo maanta soo saaray bayaan culus ayaa isaga oo ka duulaya  amarka kasoo baxay duqa Muqdisho faray dhamaan maamullada iskuulada inay suraan goobahooda waxbarashada Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Maamulka ayaa sidoo kale soo jeediyay in si deg-deg ah loo dhaqangeliyo go’aankan, isla markaana la suro iskuulada calanka Soomaaliya, iyadoo la adeegsanayo midabka saxda ah.

“Annagoo fulinayna amarka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, isla markaana tixraacayna wadatashiyadii aan la yeelannay bahda waxbarashada isbuucyadii la soo dhaafay, waxaannu isla garannay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista wadaninimada, anshaxa iyo asluubta ubadka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Waxaan go’aansannay in dugsi kasta oo ku yaalla Gobolka Banaadir la suro Calanka Soomaaliya midabkiisa saxda ah, isla markaana la hirgeliyo barnaamijyo kor u qaadaya wadaninimada iyo akhlaaqda ardayda Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo uu Agaasinku sheegay in maalmaha soo socda uu qaadi doono tallaabo lagu hubinayo inuu fulay markan, sidoo kale lagu kormeeri doono dhammaan iskuulada.

“Si loo xaqiijiyo hirgelinta arrimahan, Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir wuxuu sameyn doonaa kormeer joogto ah oo lagu hubinayo in Calanka Soomaaliyeed laga taagay dugsi kasta, iyo guud ahaan tayada iyo adeegyada waxbarasho ee ay dugsiyadu bixiyaan” ayaa mar kale lagu yiri amarka maanta kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.

Arrintan si weyn loo soo dhaweeyay, waxaana boggaadiyay qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed oo ka fal-celiyay amarka maanta kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.

Cabdiraxmaan Aadan Maxamed: “Runtii waa arrin boggaadin mudan, waana soo dhaweynayaa in ardeyda lagu tarbiyeeyo wadaninimo”.

Cali Cumar Cali: “Waa arrin wanaagsan laakiin midabka saxda ah calanka waa lagu wareersan yahay qof walbo midabka uu rabo ayuu iska saaranayaa”.

Cabdullahi Maxamed: “Waa sax xittaa goobaha ganacsiga sidoo kalana waa in la mamnuuco calamada maamul-gobaleedyada iyo kuwa qabiilada ee ay sameysteen”.

Axmed Cabdiraxmaan: “Aad iyo aad waa arrin wanaagsan oo muujineysa in ardeyda la baro calankooda iyo wadankooda”.

- Advertisement -

Read more

Local News