24 C
Mogadishu
Thursday, September 4, 2025

Madasha Samatabixinta oo dalbatay nooc doorasho oo cusub iyo 11 qodob oo kale

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee ku mideysan yihiin qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa soo saaray bayaan culus oo ku dalbanayaan in la gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, isla markaan si deg-deg ah loo qabto doorashada maamullada.

Madasha ayaa caddeysay in aysan aqbali doonin muddo xileed dhaafsiisan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waqtiga loo asteeyay ee 15-ka May 2026.

“Si hubanti la’aan siyaasadeed looga badbaadiyo dalka, in waqtiga yar ee ka harsan muddo xileedka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha laga heshiiyo doorasho la hirgelin karo, loona dhanyahay, ka fiicantii tii 2022, heshiisna lagu yahay,” ayaa lagu yiri bayaan mucaaradka kasoo saaray shir labadii maalmood ee u dambeeyay ku yeelatay Muqdisho.

Sidoo kale, Madasha ayaa dalbatay in Madaxweynuhu ku laabto wax-ka-beddelkii sharci darrada ahaa ee uu ku sameeyay dastuurkii la isku raacsanaa ee 2012, si dalka looga badbaadiyo qalalaase iyo dastuurro iska soo horjeeda.

“Madashu waxay u aragtaa xeerka doorasho, kan Xisbi iyo Guddiga Doorashada ee uu Madaxweynaha uu samaystay in ay yihiin shaatigi isaga ku jjin ah, sababta luuqnta la iskugu suray doorashooyinka heer degaan, dowlad goboleed iyo federaalna ay tahay muddo kororsi.”

Doorashada dowlad-goboleedyada ayay Madashu dalbatay in deg-deg loo qabto, “Dowlad-goboleedyada uu muddo xileedkoodu mar hore dhammaaday si degdeg ah u qabtaan doorasho loo dhanyahay, tartankeedu furan yahay, heshiisna lagu yahay,” ayaa lagu yiri bayaanka mucaaradka.

Madasha ayaa muujisay sida ay uga welwelsan tahay gaabiska dowladda ee dagaalka Al-Shabaab, oo ay sheegeen inay uga mashquushay dastuurkii dalka oo la beddelo, khilaafka doorashooyinka iyo ciidankii oo loo adeegsadey fulinta ajende siyaasadeed iyo barakicinta shacabka danyarta ah.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran:

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo kulan labadii maalin ee 30-31 bisha Agoosto ku yeelatay magaalada Muqdisho ayaa kaga arrinsatay xaaladda dalka iyo halista ay dowlad dhiska iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed wajahayo; waxaana ka soo baxay go’aannada soo socda:

1. Madashu waxay ka welwelsantahay ka jeedsiga Dowladda ee dagaalka argagixisada duulaanka ku ah degaanno hore looga xoreeyey kaga mashquushay dastuurkii dalka oo la beddelo, khilaafka doorashooyinka iyo ciidankii oo loo adeegsadey fulinta ajende siyaasadeed iyo barakicinta shacabka danyarta ah.

Madashu waxay ugu baaqaysaa dowladda in ay u soo jeesato la-dagaallanka argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish, lana timaaddo qorshe, istiraatiijiyad iyo abaabul hoggaamineed oo lagu taageero.

2. In dedeg loo joojiyo barakicinta danyarta, xaraashka suuq madow ah ee dhulka danta guud iyo dhulfidisga lagu duudsinayo xaqa milkiyadeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

3. In Madaxweynaha ku laabto wax-ka-beddelkii sharci darrada ahaa ee uu ku sameeyay Dastuurkii la isku raacsanaa ee 2012, si dalka looga badbaadiyo qalalaase iyo dastuurro iska soo horjeeda.

4. Si hubanti la’aan siyaasadeed looga badbaadiyo dalka, in waqtiga yar ee ka harsan muddo xileedka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha laga heshiiyo doorasho la hirgelin karo, loona dhanyahay, ka fiicantii tii 2022, heshiisna lagu yahay.

5. Madashu waxay u aragtaa xeerka doorasho, kan Xisbi iyo Guddiga Doorashada ee uu Madaxweynaha uu samaystay in ay yihiin shaatigi isaga ku jjin ah, sababta luuqnta la iskugu suray doorashooyinka heer degaan, dowlad goboleed iyo federaalna ay tahay muddo kororsi.

6. Madashu ma aqbali doonto muddo xileed dhaafsiisan doorashada Madaxweynaha waqtiga loo asteeyay ee 15-ka May 2026.

7. In dowlad-goboleedyada uu muddo xileedkoodu mar hore dhammaaday si degdeg ah u qabtaan doorasho loo dhanyahay, tartankeedu furan yahay, heshiisna lagu yahay.

8. Madashu waxay ka digaysaa halista ku geedmaan iyo natiijada ka dhalan karta doorashada qorig iyo qafaallka ah ee uu maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh ka wado Gobolka Banaadir, iyadoo aan la ogayn Maqaamka Caasimadda, heshiisna lagu ahayn hanaanka, sharciga iyo guddiga doorashada.

9. Madashu waxay ka walaacsan tahay dhaawaca uu Madaxweyne Xasan Sheekh u geystay midnimada dalka iyo wadajirka ummadda, sumcadda iyo haybada dowladnimada Soomaaliya, waxayna ugu baaqeysaa in uu ka waantoobo falalka gurracan iyo ficillada kala gaynta ah ee ay isaga iyo xukuumaddiisu ku hawlanyihiin.

10. Madashu waxay cambaareyneysaa cabburinta, cagajugleynta, iyo xariigga uu maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh kula kacayo dadweyne si nabdoon oo dastuurii ah u cabbiraya aragtidooda, sida Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud Xaadoole, waxayna madashu ku baaqaysaa in si degdeg ah xorriyaddiisa loogu celiyo, waxayna u aragtaa warqadda ka soo baxday Xeer Ilaalinta mid baalmarsan Dastuurka dalka, una adeegaysa ajandaha kali talisnimo ee Madaxweynaha, taasoo looga hortegayo xorriyadda hadalka, iyo tabashooyinka dhab ah ee shacabka Gobolka Banaadir.

11. Madashu waxay ciidamada qaranka uga digaysaa in loo adeegsado barakicinta danyarta iyo burburinta suuqyada ganacsiga, xarumaha caafimaadka, iyo goobaha cibaadada, iyagoo fulinaya dano shakhsi ah.

12. Madashu waxay xil iska saareysaa ilaalinta midnimada dadka iyo wadajirka dalka Soomaaliyeed, iyadoo soo dhoweynaysa dadaal walba oo dalka looga badbaadinayo xasillooni-darro siyaasadeed, iyo firaaq dastuurii ah, waxayna ku baaqaysaa in si degdeg ah la isugu yimaado shir dalka lagu samatabixinayo oo ay qayb ka yihiin dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland.

- Advertisement -

Read more

Local News