27.2 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

DEG DEG: Ra’iisul Wasaare cusub oo loo magacaabay dalka + Taariikhdiisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacabaay Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, kadib munaasabad lagu qabtay madaxtooyada Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Ra’iisul wasaaraha u magacaabay Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Qaali oo ah nin ka soo jeeda gobalada koofur galbeed ee dalka gaar ahaan degmada Baardheere ee gobalka Gedo, wuxuuna reer ahaan u dhashay beesha Mareexaan.

Cabdi Weli Sheekh Axmed
Ra’iisul wasaaraha la magacaabay Somalia, Cabdi Weli Sheekh Axmed 

Cabdiwali ayaa badalaya Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo dhowaan ay kalsoonida kala laabteen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa laga sugayaa Raysal wasaaraha cusub ee wadanka inuu soo dhiso xukuumad ka balaaran midii ka horaysay, maadaama ay jiraan dhaliilo badan oo dowlada loogu jeediyay inaysan ku guuleesan mudadii ay jirtay wixii ay horay u balan qaaday.

Cabdiweli ayaa ka soo shaqeeyay Baanka Horrumarinta Islaamka, waa aqoon yahan ka la soo shaqeyay hey’addo badan oo caalami ah, sida ay noo sheegeen ilaha aan warkan ka soo xiganay.

Cabdiweli ayaa sidoo kale la soo shaqeeyay IGAD, wuxuu ku noolaa dalka Canada, ma ahan shakhsi dhinaca siyaasadda ka muuqday.

Waxa uu dhashay 1959-kii, wuxuuna sidoo kale heystaa dhalashada dalka Canada

Si kastaba Cabdi Weli ayaa ah oo kaliya ra’iisul wasaaraha la magacaabay, wuxuuna si rasmi ah u noqon doonaa ra’iisul wasaare marka uu ansixiyo baarlamanka Somalia.

Halkan ka aqri taariikhda mudane Cabdi Weli iyo shaqooyinkiisa

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News