Boosaaso (Caasimada Online) – Maleeshiyaad hubaysnaa, ayaa weerar ku qaaday Hotel ku yaalo magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Maleeshiyaadka hubaysan oo aanan la ogeyn tiradooda ayaa la soo sheegayaa inay gudaha u galeen Hotelka Village ee Magaalada Boosaaso.
Gudaha Hoteelka ayaa waxaa la sheegayaa in Maleeshiyada ay kasoo tuurayaan Bam gacmeedyo iyo rasaas xoogan waxaana Hoteelka ku hareereysan ciidamada maamulka.
Ciidamada Hoteelka ayaa dilay laba kamid ah Maleeshiyaadka ka hor inta aysan u gudbin gudaha Hoteelka.
Sargaal ka tirsan ciidamada maamulka ayaa sheegay in tirro ahaan ilaa 5 Maleeshiyo ay iminka ka dhex dagaalamayaan gudaha Hoteelka.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Hotelka uu deganaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdi Samad Maxamed Galan.
Dhinaca kale, Xaalada aagga Hotelka ayaa waxa ay tahay mid aad u kacsan, waxaana soo buux dhaafiyay ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]