25.2 C
Mogadishu
Wednesday, February 4, 2026

Maryan Qaasim oo ku soo baxday doorasho maanta ka dhacday Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada Guddoonka Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed, taas oo ay ku tartameen illaa laba musharrax oo kamid ah xubnaha guddiga.

Xubnaha isku soo taagay xilkan ee maanta loolamay ayaa kala ahaa Wasiir hore Maryam Qaasim Axmed, iyo Cumar Cabdulle Calasow oo isna lasoo shaqeeyay howlgalka AMISOM ee hadda loo beddalay AUSSOM.

Doorashada oo adkeyd ayaa waxaa ugu dambeyn kusoo baxday Maryan Qaasim oo xilal kala duwan kasoo qabatay dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray, waxayna heshay illaa 5 cod, halka Cumar Cabdulle Calasow uu isna helay 4 cod, kadib codeyn ay sameeyeen sagaalka xubnood ee guddiga.

Horay ayaa loo saadaalinayay inay guuleysaneyso Maryan Qaasim, sababo la xiriira aqoonteeda iyo qibradeeda, maadaaama ay horay usoo qabatay xil wasiir, kana soo shaqeysay arrimaha bani’aadanimada dalka.

Sidoo kale khudbad ay ka jeedisay goobta ayay uga hadashay waxqabadkeeda iyo taariikhdeeda, iyada oo xustay in aanay usoo istaagin xukun jacayl dartiis, balse ay rabto inay u adeegto dadkeeda iyo dadkeeda.

‘In aan isku sharaxo xilka Guddoomiyaha, igama ahan xil jacayl aniga horay aya usoo shaqeeyay qibrad waxaan leeyahay dhowr 40 sano ah saddex mar ayaan noqday wasiir, hay’ado caalami ahna waa kasoo shaqeeyay” ayay tiri  Maryan Qaasim.

Waxaa kale oo ay sii raacisay “Aniga wax kambeyn ah xittaa ma gelin oo Hotel ayaan iska daganaa, dadka ii codeeyay ma garanaayo kulligiin waad mahadsan tihiin”.

Dhanka kale, waxaa guddoomiye ku xigeenka Guddigan loo doortay Maxamed Haaruun Maxamuud oo helay 8 cod, halka Faadumo Cabdiqani Yuusuf iyana ay kusoo baxday Xoghayaha guud, taas oo ka dhigan in haweenka Soomaaliyeed ay hanteen xilalka ugu sarreeya guddiga.

Dhismaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay kala soo wareegtay Qaramada Midoobay Maamulka Xuquuqul Insaanka Dalka.

Doorasho xasaasi ah oo ka socota Muqdisho

 

- Advertisement -

Read more

Local News