25.1 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Maxamuud Cabdi Xaamud – Saaxiibka dhow ee Axmed Diiriye oo la dilay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya saaxiibbada caalamka ayaa duqeyn qorshaysan ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdi Xaamud, kuna magac dheeraa Jacfar Gurey.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in horjooge Jacfar Gurey uu ka mid ahaa aas-aasayaashii Al-Shabaab, isagoo saaxiib dhow la ahaa horjoogayaashii isaga ka dambeeyay hoggaanka kooxda, Axmed Cabdi Godane iyo Axmed Diiriye, kuwaas oo uu muddo dheer la soo shaqeeyay.

Duqeynta Maxamuud Cabdi Xaashi (Jacfar Gurey) ayaa xalay ka dhacday magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe, sida ay shaacisay dowladda.

Horjoogahan sare ayaa hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, Madaxa Amniga Dibadda, Madaxa Amniga Madaxda Al-Shabaab, iyo Madaxa Daba-galka, dhammaan xilalkaas oo la xiriiray hawlaha sirdoonka, qorsheynta weerarrada iyo dilalka arxan darrada ah ee Khawaarijta.

Ninkan ayaa door muuqda ku lahaa maalgelintii iyo dhismihii hore ee Shabaabka, isagoo qayb ka ahaa lacag laga soo dhacay shirkad Itoobiyaan ah oo uu la socday horjoogihii hore ee kooxda, Axmed Cabdi Godane, taas oo lagu maalgeliyay aasaaskii ururka Al-Shabaab.

Howl-galka guuleystay ee lagu khaarijiyay Jacfar Gurey ayey dowladdu sheegtay in uu ka tarjumayo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamka ee ku aaddan la dagaallanka kooxahaargagixisada, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida, iyo nabadda shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya waxay mar kale u xaqiijisat muwaadiniinta Soomaaliyeed in howl-gallada qorsheysan ee ka dhanka ah argagixisada ay sii socon doonaan ilaa dalka laga xoreeyo kooxahan, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad, xasillooni iyo horumar waara.

- Advertisement -

Read more

Local News